HORDHAC: Real Maddrid vs Celta Vigo – Los Blancos

Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay ku soo laabato wadada guusha marka ay caawa martigelinayaan Celta Vigo, iyadoo kooxda heysata horyaalka La Liga ay dooneyso inay badiso markii ugu horeysay sannadka 2021.

Real ayaa kulanka soo galaysa iyada oo bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Elche habeenkii Arbacada halka Celta ay sii waday qaab ciyaareedkeedii fiicnaa markii ay 2-1 kaga badisay Huesca.

Guul ay gaarto Madrid waxay ka dhigeysaa inay seddex dhibcood ka sareeyaan hogaanka La Liga, laakiin waxay hogaanka ku hayaan labo dhibcood.

WARKA LABADA KOOXOOD KAhor kulanka

Real Madrid ayaa markale waayi doonta garabkeeda Rodrygo Goes kaas oo wali ku maqan dhaawac muruqa ah.

Eden Hazard, oo kursiga keydka kasoo muuqday kulankii ugu dambeeyay, ayay u badan tahay inuu mar kale kursiga keydka fadhiyo, iyadoo Zidane uu doorbidayo xiddigaha Arbacada.

Ferland Mendy ayaa awooday inuu badalo Marcelo Vieira garabka bidix Arbacadii, halka Vinicius Junior uu awooday inuu badalo Marco Asensio.

Celta Vigo waxaa ka maqnaan doona Kevin Vazquez, Sergio Alvarez iyo David Junca laakiin Celta wax dhaawac cusub ah kuma lahan Huesca.

JADWALKA SUURTAGALKA AH EE LABADA KOOXOOD

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Vinicius, Benzema, Vazquez

Celta Vigo: Blanco; Mallo, Araujo, Murillo, Olaza; Mendez, D Suarez, Tapia, Nolito; Mina, Aspas

MACLUUMAADKA KULANKA

Tartan: La Liga

Gegada diyaaradaha; Alfredo Di Stefano

Waqtiga: 23:00 Saacada Geeska Afrika

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More