Hordhac: Everton vs Liverpool | Ancelotti vs Klopp – Kulanka

Kulnakii 288aad ee Merseyside derby ah ayay maanta duhurka iskaga hor imanayaan labada kooxood ee Everton iyo Liverpool, waxaanay jilbaha isku dhiganayaan garoonka Goodison Park oo markii ugu dambaysay ee ay ku kulmeen ahayd bishii June oo ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen.

Wiilasha tababare Jurgen Klopp ayaa safar gaaban ku tegaya Goodison Park si ay ugu soo laabtaan jidka guusha kaddib guul-darradii ugu xumayd ee abid kasoo gaadhay horyaalka Premier League oo ay Aston Villa 7-2 ugu xambaarisay ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka, laakiin kooxda martida loo yahay ee Everton ayaa si adag ugu diyaar ah, isla markaana u dagaallami doonta inay sii xajisato hoggaanka horyaalka ee ay haysato iyagoo afartii ciyaarood ee ay illaa hadda soo dheeleenna ka haysta 12 dhibcood.

Liverpool ayaa toddobaadkii lagu maqnaa ciyaaraha caalamiga ah waxay u dabbaal-degtay laba munaasibadood oo qaali ku ah oo dibu-cusboonaysiin ku keenay kooxda, waxaanay midda hore tahay tababare Klopp oo sannad-guuradiisii shanaad ee waqtigii uu yimid Anfield u dabbaal-degay iyo midda labaad oo ah toban-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay mulkiyadda kooxda la wareegtay Fenway Sports Group oo uu leeyahay maalqabeen Maraykan ah, taas oo ku buuxday khamiistii.

Sabtida maanta ayay ciyaartoydu doonayaan inay iyaguna guul kula damaashaadaan oo ay tababarahooda iyo mulkiilahoodaba ka farxiyaan, waxaase ka horreeya dagaal adag oo lagu tilmaamay ciyaartii ugu adkayd ee Merseyside derby ah ee taariikhda labadan kooxoo soo dhex-marta, sababtoo ah, beryihii hore waxa guusha si fudud ay ku raaci jirtay Liverpool, amaba ahaan jirtay naadiga awoodda badan ee mar walba libinta loo saadaaliyo.

Liverpool oo ogsoon in taariikhdeedii ugu xumayd ku dhacday usbuuc ka hor markii toddobada gool laga dhaliyey, isla markaana ay ugu dambaysay in sidaas oo kale toddoba gool looga dhaliyo markii ay taariikhdu ahayd April 1963kii iyo mar kaliya oo kasii horreysay oo ahayd 1953kii ayaa waxay dib u heshay ciyaartoydeedii kaga maqnaa xanuunka Korona Fayraska marka laga reebo Naby Keita oo aan wali kasoo bixin muddadii karantiilka iyo goolhaye Alisson oo dhaawac ah.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ka dalbaday ciyaartoyda kooxdiisa inay jawaab ka bixiyaan guul-darradan ugu dambaysay laakiin dhibaatada la ogyahay ee haysata waxay tahay dhinaca difaaca oo ay tahay inuu si gaar ah ula dardaarmo maadaama ay yihiin kooxda labaad ee goolasha ugu badan laga dhaliyey horyaalka, waxaana kaliya ka liidata West Brom oo laga dhaliyey 11 gool.

Dhinaca kale, Everton oo si aad ah isku dhistay, isla markaana haysata falsafadda ciyaareed ee cajiibka ah ee Carlo Ancelotti uu ku dheelsiiyo oo ay u dheer tahay inay hoggaanka hayaan, ayaa si weyn ugu diyaarsan.

Toffees ayaa markii ugu horreysay wada guuleysatay afartii ciyaarood ee ugu horreeyey ee horyaalka tan iyo xili ciyaareedkii 1969-70kii, waxaanay halgan u gelayaan sidii ay maanta ugu darsan lahaayeen hal rikoodh oo kale oo ah in markii ugu horreysay tan iyo xili ciyaareedkii 1938-39kii ay shanta ciyaarood ee ugu horreeya wada guuleystaan.

Haddii aan dib ugu laabano taariikhda labada kooxood, xili ciyaareedkii 1894-95kii oo ahayd laba sannadood kaddib markii la aasaasay kooxda Liverpool, ayay Everton siddeeddii kulan ee ugu horreeyey wada guuleysatay, waxaanay xilligaas ahayd kooxda awoodda badan ee ka dhisan magaalada Liverpool.

Marka la eego natiijooyinka labada kooxood ka keeneen min afartii ciyaarood ee ay soo dheeleen horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, Everton waxay soo wada badisay dhamaantood iyadoo haysata 12 dhibcood, halka Liverpool ay badisay saddexdii hore, kulankii ugu dambeeyeyna ay guul-darro weyni soo gaadhay, taas oo ka dhigan inay haystaan 9 dhibcood.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Everton vs Liverpool

Tartanka: Premier League, usbuuca shanaad

Waqtiga: 2:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Goodison Park

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa usoo laabtay labada ciyaartoy ee muhiimka ah ee Thiago Alcantara iyo Sadio Mane oo kasoo bogsaday xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay. Sidaas oo kale, Xherdan Shaqiri ayaa isagana ay been noqotoay markii lagu eedeeyey inuu xanuunkani hayo, laakiin waxa ku maqan oo uu wali hayaa Naby Keita.

Joel Matip ayaa kusoo laabtay kooxda, halka Kostas Tsimikas uu waqtigii kulamada caalamiga ah lagu maqnaa uu uga faa’iidaysanayay inuu kaga soo kabto.

Goolhaye Alisson Becker ayaa dhaawac ah, waxaana mar kale kusoo bilaaban doona Adrian oo qaladaad badan sameeyey ciyaartii Aston Villa, waxaana kaydka ugu jiraya Caoimhin Kelleher.

Tababare Jurgen Klopp ma haysto culaysyo dhaawac oo aan ahayn Alisson Becker iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Dhinaca kale, tababare Carlo Ancelotti ayaa haysta koox dheelitiran oo uu hormood u yahay Calvert-Lewin oo laba saddexlay soo dhaliyey kulamadii koobnaa ee xili ciyaareedkan, isla markaana hoggaanka gool-dhalinta u haya dhamaan shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub maadaama uu dhaliyey sagaal gool.

Andre Gomes, Allan iyo Seamus Coleman oo Everton ka maqnaa kulankii Brighton ay guusha kasoo gaadheen ka hor intii aan ciyaaraha caalamiga ah loo bixin ayaa la filayaa inay kusoo laabtaan kooxdooda kulanka maanta. Sidoo kale, Yerry Mina ayaa kasoo kabtay dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay kulankii xulka qarankiisa Colombia.

Shaxda maquulka ah ee labada kooxood

Everton: Pickford; Coleman, Keane, Mina, Digne; Gomes, Allan, Doucoure; Rodriguez, Calvert-Lewin, Richarlison

Liverpool: Adrian; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Firmino, Mane