Holland Oo Noqotay Waddankii Saddexaad Ee U Gudbay 16ka, Dalkii Dunida

Xulka qaranka Netherlands ayaa noqday waddankii saddexaad ee u gudba wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen Austria.

Holland ayaa ka hadhay oo aan kasoo qayb-gelin labadii tartan ee waaweynaa ee u dambeeyey ee Koobka Adduunka 2018 iyo Euro 2016, waxayse lasoo baxday dardar iyo awood ay sannadkan ku muquunisay labadii xul ee ay lasoo ciyaareen illaa hadda, taas oo u xaqiijisay inay iska xaadiriyaan wareegga 16ka oo ay hore ugu gudbeen Talyaaniga iyo Belgium.

Daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta ayuu Memphis Depay rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay dalkiisa kaddib markii uu kabtanka Austria ee David Alaba uu ciyaartoy kale lugta kaga istaagay, waxaana laga soo hubiyey VAR iyadoo uu garsooruhu qaban waayey.

Memphis Depay ayaa toogtay dhinaca bidix, waxaanay kubaddu ka hoos-baxday goolhaye Daniel Bachmann oo si fiican uga raacay.

Austria ayaa ka liidatay afka hore ee dhamaystirka, laakiin maamulka ciyaarta ayay isku dheellitirnaayeen labada dal, halka Netherlands ay kubbadaheedu halis gelinayeen goolka Austria waxaana khatarta ugu badan samaynayay Depay.

Denzel Dumfries ayaa goolka labaad u dhaliyey Holland daqiiqaddii 67aad ee qaybta labaad, sidaas ayaanay guushu ugu raacday 2-0.

Netherlands ayaa durduro kaga soo baxday Hormada C iyadoo hal ciyaar ahi u hadhsan tahay, waxaanay leeyihiin lix dhibcood. Ukraine iyo Austira ayaa min saddex dhibcood haysta iyaga ayaana wada ciyaari doona Isniinta, waxaana wareegga 16ka u gudbi doona midkooda guuleysta.

Dhinaca kale, waddanka dunida ku cusub ee Northern Macedonia ayaa ka hadhay tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More