HESHIIS DHAN: Man City Oo Saxeexa “New Neymar” Kaga Guuleysatay

0

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay dhammaystirtay saxeexa da’yarka garabka weerar ee kooxda Fluminese iyo dalka Brazil ee Kayky.

17 sano jirkan garabka weerar ee ree Brazil ayaa lala bar-bardhigay xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar Junior oo loo arko mid ay isku ciyaar dhaw yihiin, waxa kale oo saxeexiisa indho-indhayn ku sameeyay kooxo ay kamid yihiin Liverpool, Shakhtar Donestk iyo kooxo Spanish ah.

Laakiin City ayaa noqotay kooxda ku guuleysatay saxeexa Kayky oo soo dhaliyay laba gool kaddib lix kulan oo uu usoo ciyaaray kooxda koowaad ee Fluminese.

Wariyaha Talyaaniga ah ee xog ogaalka ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in heshiisku qabsoomay isla markaana uu Kayky oo qandaraas shan sano ah u saxeexay Sky Blues iman doono Etihad Stadium sanadka dambe ee 2022.

City ayaa Fluminese siin doonta ugu horreyn lacag 8.5 Milyan pound ah halka uu heshiisku marka lagu daro gunnooyinka oo dhan ugu badnaan 15 Milyan oo pound gaadhi karo. Sidoo kale kooxda ree Brazil ayaa lacag ku yeelan doonta lacag kasta oo ay City mustaqbalka ku iibiso xiddiga.

Kayky ayaa kooxda da’yarta ee City ku biiri doona marka uu England gaadho, City ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay kubad bur-buriyaha khadka dhexe ee isla Fluminese ka tirsan ee Metinho oo isaguna 17 sano jir ah.

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More