HESHIIS DHAN: Arsenal Oo La Saxeexatay Mashiin Dhinaca Goolasha Ah &

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis buuxa la gaadhay da’yarkii kooxda Fulham ee Mika Biereth, 18 sano jirkaas ayaa ahaa mid kooxda galbeedka London da’yarteeda wacdarro kusoo dhigay xilli ciyaareedkii hore.

Biereth ayaa xilli ciyaareedkii tagay ee 2020-21 kusoo dhaliyay 21 gool kaddib 21 kulan oo uu da’yarta Fulham usoo ciyaaray.

Biereth ayaa xiiso ka helayay kooxo kale waxaana uu go’aansaday inuu diido heshiis kordhin uu u sameeyo Fulham oo qandaraaskiisii hore ka dhacayay isaga oo doorbidaya inuu koox kale ku biiro.

Arsenal ayaa u muuqata kooxda haatan ku guuleysatay tartanka da’yarkaas sida uu sheegayo il-wareedka xogtiisa lagu kalsoonaan karo The Athletic.

Biereth ayaa lagu dari doonaa safka weerarka Arsenal oo ay horeba uga sii qayb yihiin da’yar mustaqbal fiican leh sida Folarin Balogun iyo Gabriel Martinelli.

Arsenal ayaa amaah ku dirtay weeraryahanka ree Sweden ee Nikolaj Moller oo tagay kooxda ree Germany ee Viktoria Koln taas oo ka dhigan in Biereth uu fursad badan heli karo. Sidoo kale Gunners oo kasii tashanaya mustaqbalka ayaa Chelsea kala saxeexday Amani Richards.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More