Henry, Fabregas & Klinsmann, Rio, Gary & Alan – Khubaradii Ciyaaraha

BBC ayaa shaacisay khubarada daadhin doona tartanka Qaramada Yurub ee EURO 2020 ee horraanta bisha June bilaabmi doona, waxaanay heshiisyo lasoo gashay halyeeyo waaweyn oo kubadda cagta soo maray oo daawadeyaasha kubadda cagtu ay jeclaysan doonaan in ay falanqayntooda daawadaan inta aanay ciyaaruhu bilaabmin, waqtiga nasashada iyo ciyaaraha kaddib.

Maanta ayay BBC si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiisyo la gashay Thierry Henry, Cesc Fabregas iyo Jurgen Klinsmann, kuwaas oo ku biiri doona khubaradii hore usii joogtay BBC-da ee ay ka midka ahaayeen Gary Lineker, Gabby Logan iyo kuwo kale.

Saddexda halyey ee Henry, Fabregas iyo Klinsmann oo waddamadooda France, Spain iyo Germany kula guuleystay tartanka qaramada Yurub waqtigyadii ay ciyaartoyda ahaayeen, waxa kaga sii horreeyey BBC Sports activities oo shaashadda kasoo wada muuqan doonaan xiddigihii Ingiriiska ahaa ee Alex Scott, Jermaine Jenas, Micah Richards, Alan Shearer iyo Rio Ferdinand.

Waxa kale oo iyaguna khubrada BBC urursatay ku jira Ashley Williams, Mark Hughes, Scots James McFadden iyo Shelley Kerr.

Kulanka ugu horreeya ee BBC baahin doonto ayaa ah ciyaarta Turkey iyo Italy ee habeenimada June 11 ee fuirtaanka ciyaaraha, waxaanay laba maalmood kaddib ku xigsiin doontaa ciyaarta adag ee Croatia vs England.

Lineker iyo Logan ayaa waxa lagu lamaanayn doonaa  wariyeyaasha Eilidh Barbour iyo Mark Chapmann oo la shaqayn doona.

Cesc Fabregas ayaa waxa uu ku qoran yahay baahinta kulanka adag ee Spain vs Sweden ee June 14 maadaama uu waddankiisu ciyaarayo, laakiin BBC ayaan tabin doonin kulamada waddamada Faransiiska iyo Geremany illaa inta laga soo gaadhayo kulamada ugu dambeeya wareega hormooyinka ee June 23.

Halkan kaga bogo kulamada ay baahinayaan warbaahinta gudaha Ingiriiska iyo dibedda intaba:

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More