Hazard oo si cad u sheegay daafacii ugu adkaa uu kahor yimid

(Madrid) 27 luulyo 2022. Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa tilmaamay kooxdii ugu adkeyd ee uu ka horyimaado waayihiisa ciyaareed ee horyaalka Premier League, markii uu ahaa ciyaaryahan Chelsea ah.

Xiddiga reer Belguim ayaa xaqiijiyay in daafacii ugu adkaa ee uu ka horyimaado uu ahaa xiddiga reer England iyo kooxda Manchester City ee Kyle Walker, Hazard ayaana sharaxay faa’iidooyinka uu leeyahay.

Wargeyska The Sun ee dalka England ayaa baahiyay wareysiga xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Loolanka ugu adag? Kyle Walker, aad buu u dheereeyaa, waad garanaysaa.”,

“Anigu waan xoog badanahay oo waa dheereeyaa, laakiin wuu iga xoog badan yahay oo wuu iga dheereeyaa.”

“Ka daafac midig ahaan, waxaan u maleynayaa inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu fiican xilligan.”

Waxaa xusid mudan in Hazard uu ka soo ciyaaray Chelsea intii u dhaxeysay 2012 iyo 2019, xilligaas oo uu Blues u ciyaaray 351 kulan tartamada oo dhan ah, isaga oo u dhaliyay 110 , wuxuuna ka caawiyay 92 saaxiibadiis.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More