“Harry Maguire waa in laga reebo xulka England” – Rio

Rio Ferdinand ayaa sheegay in Harry Maguire uu si liita u ciyaarayo isla markaana aysan aheyn inuu ku soo bilowdo xulka England.

- Advertisement 1 -

Kabtanka Manchester United ayaa loo arkaa inuu yahay magaca koowaad ee Garethn Southgate xulka saddexda libaax ee ka qeyb galaya Koobka Qaramada Yurub xagaagan.

Maguire ayaa u ciyaaray England sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo su’aasha kaliya ay tahay yaa badalkiisa la ciyaari doona.

Laakiin Ferdinand, oo 81 kulan u saftay England, ayaa dareensan inay jiraan ciyaartoy fiican oo isaga u ciyaari kara.

“Michael Keane marwalba wuu kahoreyn lahaa. Majiro qof dalkan jooga oo daawada Premier League asbuuc walba iyo in Maguire uu kafiicanyahay Michael Keane hada. Ma arkaysid qofkaas,” ayuu yiri Ferdinand.

“Michael Kean had iyo jeer wuxuu ku fiican yahay khadka dhexe ee Everton, marka hada waxaan dooran lahaa Michael Keane iyo John Stones. Ayaa kale oo booskaas ka ciyaari kara? Yaad kale dooran laheyd?

“Stones hadda waxay ku soo noqdeen qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa, way tartamayaan markale wayna ka adag yihiin kuwa kale, taas oo u fiican isaga. Markaa hada waa inaan ka hadalno cida la ciyaari doonta Stones.

“Marka ay timaado qaab ciyaareedka, Maguire haatan xaalad fiican kuma jiro. Taasi waa waxa uu oran lahaa Michael Keane. Haddii aad ku qanacdo waxqabadka, ma dooraneyso Maguire.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More