Harry Kane Oo Lagu Daray Liiska Ciyaaryahanadda Tottenham Ee Ka

Harry Kane ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Tottenham uga qayb-gelaya tartanka cusub ee Europa Conference League oo bilaabmaya maalinta Khamiista oo ay la ciyaari doonaan Pacos de Ferreira.

Kane oo 28 jir ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu tegayo Manchester United, waxaanay arrintu cirka isku sii shareertay markii uu tababare Nuno Espirito Santo ka reebay liiska xiddigihiisa kulankii Manchester City ay 1-0 kaga badiyeen Axaddii oo gebi ahaanba uu garoonka  ka maqnaa.

Inkasta oo aanu qayb ka hayn ciyaartoydii soo gashay garoonka iyo kuwii kaydka Axaddii, haddana Harry Kane ayaa waxa uu ka mid noqday xiddigaha Tottenham usoo xulatay ciyaartooda ugu horreysa tartanka cusub ee ay UEFA samaysay sannadkan ee Europa Conference League oo ah midka kasii hooseeya Europa League.

Laacibkan oo tababarka Tottenham kusoo laabtay Jimcihii ayaa waxa uu kasoo dhex-muuqday 25-ka ciyaartoy ee lugta hore ee kulanka Europa Conference League ay ku waajahayaan kooxda yar ee Pacos.

Tababare Nuno Espirito Santo oo hadlayay kaddib ciyaartii Manchester City ayaa yidhi: “Aad ayaanu u nasiibbadanahay in aanu haysano Kane. Haddii aan runta sheego waxa uu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan adduunyada.

“Waa in uu diyaar u noqdo in uu caawiyo kooxda. Waxa aanu tegaynaa Portugal kaddibna waxa aanu ka fikiraynaa Wolves. Harry wuu shaqeeyey saaka [Tababarkii subaxnimadii Axaddii]. Wuu is-diyaarinayaa, marka uu diyaar noqdana waxa uu kusoo biiri doonaa kooxda oo uu caawin doonaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More