Hamigii horyaalka ee Man City ayaa si xun u dhacay

Manchester City ayaa heshay war xun kadib guuldaradii shalay ee Aston Villa, halkaasoo KDB lagu badalay wax ka yar saacad ciyaarta ka dib dhaawac muruqa ah.

- Advertisement 1 -

Kevin ayaa door muhiim ah ka ciyaaray qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee City ee kulamadii ugu dambeeyay wuxuuna markale noqday xiddig si buuxda ugu tartamaya hanashada horyaalka.

De Bruyne ayaa garoomada kaga maqnaan doona labo ilaa seddex isbuuc dhaawac muruqa ah, taas oo xaalada uga sii dartay xaalada kooxdiisa.

Kooxda Pep Guardiola ayaa wajihi doonta West Bromwich Albion, Sheffield United iyo Burnley ka hor inta aysan booqan kooxda heysata horyaalnimada Liverpool.

Kulanka muhiimka ah ee la filayo in De Bruyne uu seego Sky Blues ayaa ah safarka Reds ee Anfield bisha Febraayo 7.

Dhaawaca De Bruyne ayaa yimid isla maalintii uu weeraryahanka Sergio Aguero shaaca ka qaaday in uuna wax war ah oo fiican ka helin kooxda Man City oo ahayd in laga helay cudurka Korona Fayra.

Maqnaanshaha 29 jirka reer Belguim ayaa dhibaato weyn ku ahayd City, markii ugu dambaysay markii uu rikoodhka ku gaadhay 100 caawin oo uu sameeyay markii uu xirnaa maaliyada City.

De Bruyne wuxuu ahaa laacibka ugu hal abuurka badan City waxaana Ilkay Gundogan, Phil Foden iyo Bernardo Silva la weydiin doonaa inay la wareegaan maqnaanshaha De Bruyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More