Halyeeyga Man City ee Trevor Sinclair oo sheegay sababta uu Mane

(Manchester) 25 Juun 2022. Halyeeyga Manchester City ee Trevor Sinclair ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane, in sababta uu Sadio Mane kaga tagay Liverpool ay tahay in loola dhaqmin sida Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk.

30 jirkaan ayaa si rasmi ah ugu biiray Bayern Munich xagaagan, isagoo kaga soo biiray kooxda Liverpool, aduun dhan 35 million kilos.

Haddaba halyeeyga Manchester City ee Trevor Sinclair ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu shaaca kaga qaaday:

“Way caddahay in bixitaankii Sadio Mane ay hadda tahay mid si caalami ah loo aqbalay, kaddib markii uu kaga tagay Liverpool isagoo halyey u ah kooxda.”

“Laakiin waxaan si joogto ah u maqlaa qaar ka mid ah taageerayaasha iyo ciyaartoydii hore oo leh (ma garanayo sababta uu uga tagay?), Aan kuu sheego sababta uu uga tagay.”

“Uma maleynayo in isaga lagu ammaanay loogana qadarin jiray Liverpool sida Van Dijk ama Salah.”

“Sadio wuxuu soo qaatay waqti fiican, wuxuu ahaa halyey ku dhex jiray Reds.”

Xiddiga reer Senegal ayaa dhaliyay 120 , wuxuuna caawiyay 48 kale, 269 kulan oo uu la ciyaaray Reds, tartamada oo dhan, muddo 6 sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More