Halyeey Sheegay In Arsenal Ay Ka Badin Karto Tottenham

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa sheegay in Mikel Arteta ay qasab tahay inuu keyd geliyo Willian haddii ay kooxdiisa hore fursad u heysato inay ka badiso Spurs Axada.

Xiddiga reer Brazil ayaa si lama filaan ah isaga kala gooshay London isagoo ka soo wareegay Chelsea suuqii kala iibsiga xagaaga.

Wuxuuna ku dhibtooday inuu helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican tan iyo markaas isagoo dhaliyay kaliya hal gool sagaal kulan uu saftay.

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa sheegay in haddii ay Arsenal dooneyso inay guul ka gaarto kulanka North London Derby inay qasab tahay inuu Arteta keyd geliyo Willian.

Weeraryahanka isku bedalay falanqeeye ayaa ku dooday: “Waxaan isku dayayaa inaan wax cusub sameeyo, Reiss Nelson ama xitaa Saka ayaa ka dheelsiin lahaa garabka midig.

“Laakiin Saka bidix ayuu saaran yahay sidaasi darteed waxaa midig geyn lahaa Reiss Nelson bedelkii aan safi lahaa Willian sababtoo waan ognahay waxa uu Willian sameyn doono.

“Aniga ahaan Willian wuxuu ila yahay mid niyad xun sida uu u dheelayo, baasas badan ayuu gadaal u celiyaa.

“Waxaad u baahan tahay qof gadaal u soo degi kara islamarkaana kubada hore u dhaqaajin kara.

“Haddii Saka uu cadaadis dhab ah saaro Aurier, waxaan qabaa inay halkaas tahay meesha kaliya aan farxad ka heli karno ka dib haddii Saka uu baxo waxaa isna soo ciriirin kara Xhaka iyadoo Elneny uu noqonayo burburiyaha khadka dhexe.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More