Halyeey Manchester City ah oo saadaaliyay masiirka Haaland – FM

(Manchester) 27 luulyo 2022. Halyeeyga Manchester City ee Danny Mills ayaa rajaynaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Norway Erling Haaland, uu kooxdiisa cusub ee Cityzens u dhaliyo in ka badan 40 .

Xiddiga reer Norway ayaa ku biiray safka Man City, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo kaga soo biiray Borussia Dortmund, 51 million pound, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis shanta sano ee soo socota.

Wargeyska Daily Mail ayaa shaaca kaqaaday wareysiga halyeeyga Manchester City ee Danny Mills, wuxuuna yiri:

“Haaland aad ayuu ugu fiicnaan lahaa Manchester City, haddii uu ciyaaro kulan kasta, waxa uu dhalin karaa in ka badan 40 tartamada oo dhan.”

“Lama yaabi doono haddii uu dhaliyo ku dhawaad 30 oo Premier League ah.”

22 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyay 86 89 kulan oo uu la ciyaaray Borussia Dortmund, dhammaan tartamada, labo sano iyo bar gudahood.

Haaland ayaa kisii ugu horeysay ka dhaliyay Manchester City kulankii ay City 1-0 kaga badisay Bayern Munich, ciyaar saaxiibtinimo, Axadii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More