Halyeey Man City ah oo ka hadlay suurtogalnimada uu Sterling ugu

(Manchester) 29 Juun 2022. hayihii hore ee Manchester City Shay Given ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu xiddiga reer England ee Raheem Sterling ugu biiri karo Chelsea.

Raheem Sterling ayaa lala xiriirinayay kooxda Chelsea suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, isaga oo kala qayb qaatay Man City, 30 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore.

Wargeyska Daily Mail eek a soo baxa dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysiga Shay Given, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Stirling waa ciyaaryahan weyn, laakiin sabab kasta ha ahaatee 12 ama 18 bilood ee la soo dhaafay, ma uusan ku bilaaban kulan kasta.”

“Rahim kuma faraxsanaan doono inuu kursiga keydka ku jiro, ama uu qaybo yaryar ka ciyaaro lixdii ama toddobadii bilood ee la soo dhaafay.”

Waa ciyaaryahan weyn, laakiin qandaraaskiisa 12 bilood ayaa ka harsan, £50m ayaa weli ah lacag aad u badan, balse heshiiskan wuxuu noqon karaa mid ku haboon labada kooxood.”

Yeelkeeda, Xiddiga reer England ayaa ka qayb galay 399 kulan oo uu la ciyaaray Manchester City, tartamada oo dhan, waxa uu u dhaliyay 131 , waxaana uu kula guuleystay horyaalka Premier League 4 jeer, 5-tii sano ee ugu dambeysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More