Halyeey Liverpool ah oo codsaday saxiixa xiddiga Arsenal ee

(Liverpool) 27 luulyo 2022. Halyeeyga Liverpool ee Glen Johnson ayaa aaminsan in garabka Arsenal ee Bukayo Saka ay muhiim tahay inuu ku biiro safka Reds.

20-sano jirkaan ayaa qandaraas kula jira kooxda ka dhisan London ilaa June 2024, dhowr warbixinood ayaa lagu xaqiijiyay in Gunners ay u soo bandhigtay inuu u kordhiyo qandaraaskiisa, iyada oo la kordhinayo mushaarkiisa sanadlaha ah.

Wargeyska Metro ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca wareysiga halyeeyga Liverpool ee Glen Johnson, wuxuuna yiri:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Bukayo Saka oo ku biiraya Liverpool.”

“Laakiin si fiican ayuu ula ciyaaraa Arsenal, wayna iska caddahay inuu ku raaxaysanayo joogistiisa.”

“Sida iska cad waa ciyaaryahan wanaagsan, waxaana taas ku arki kartaa sida uu ula dhaqmo ciyaartoyda kale.”

“Bukayo weli aad ayuu u yar yahay, ilaa iyo inta uu isku muujinaayo Arsenal, kooxaha waaweyn ayaa weli doonaya inay la soo wareegaan.”

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer England ayaa dhaliyay 11 , waxaana uu caawiyay 7 kale, xilli ciyaareedkii hore kulammada horyaalka Premier League.

Waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah wargeysyada ay Saka la xiriiriyeen inuu u dhaqaaqayo Manchester City, si uu u bedelo Raheem Sterling, oo ku biiray Chelsea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More