Halyeey kooxda Chelsea ah oo sharaxay faa’iidooyinka heshiiska

(London) 14 Luulyo 2022. Halyeeyga Chelsea ee Joe Cole ayaa ammaanay heshiiska cusub ee kooxda Raheem Sterling, oo kaga soo wareegay Manchester City.

Chelsea ayaa shalay oo Arbaca ah ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay xiddiga reer England iyo kooxda Manchester City ee Raheem Sterling.

Xiddiga reer England ee Raheem Sterling ayaa u saxiixay kooxdiisa cusub ee Chelsea heshiis soconaya illaa June 2027, Blues ayaana wax badan ka sugaysa heshiiskan sanadaha soo socda.

Wargeyska Daily Mail ee dalka Engand ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga Chelsea ee Joe Cole, wuxuuna yiri:

“Chelsea waxay ku heshay mid ka mid ah ciyaartoyda England ugu fiican qiimo fiican.”

“Wuxuu si weyn kaga caawin karaa kooxda qeybta weerarka ee garoonka, Sterling waa dhaliye fiican, wuxuuna caawin karaa ciyaartoyda da’ada yar.”

“Qaybtan garoonka ka mid ah waxa lagu gartaa da’a yarta, iyada oo ay joogaan Kai Haveritz, Mason Mount, Timo Werner iyo Christian Pulisic, Sterling waxa uu ka weyn yahay shan ama lix sano iyaga, waxana uu leeyahay khibrad dheeraad ah.”

Cole waxa uu tilmaamay in Sterling uu bixin doono khibradiisa iyo tayadiisa hogaamineed, wuxuuna yidhi:

“Waxaan waynay Antonio Rudiger, sidaa darteed waxa ay noo noqon doontaa mid aad muhiim noogu ah gudaha iyo dibada garoonka.”

Sterling ayaa u soo dhaqaaqay Manchester City sanadkii 2015 markaas oo uu kaga soo biiray Liverpool, waxaana mudadaas uu u ciyaaray Citizens 337 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 131 , wuxuuna caawiyay 94 kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More