Haddii Jordan Pickford Lagu Ganaaxayo Qaladkii Virgil Van

Waxa shaaca laga qaaday haddiiba uu ganaax mudan karo goolhayahya kooxda Everton ee Jordan Pickford kaas oo qalad halis badan oo aan lagu ciqaabin kulankii Merseyside Derby ku galay daafaca dhexe ee Liverpool ee Virgil Van Dijk.

- Advertisement -

Goolhayaha dookha koowaad ee xulka qaranka England ayaa si weyn loogu eedeeyay taako (Taakal) halis ah oo uu kusoo af-meeray xilli ciyaareedkii Van Dijk oo udub dhaxaad usoo ahaa Liverpool tan iyo markii uu kusoo biiray January 2018.

Khabiirka Sky Sports ee Graeme Souness ayaa ku sifeeyay qaladka uu Pickford galay mid weerar cadaana ah halka uu xiddigii hore ee Tottenham ee Ryan Mason ku qeexay inuu yahay mid waayaha ciyaareed ee VVD soo af-meeri kara,

Haddaba, sida uu haata sheegayo wargeyska The Athletic, Jordan ayaan gabi ahaanba wax ganaax af FA-ga England kagala kulmi doonin qaladkii aan la xisaabin ee uu Vab Dijk ku galay.

Sababta aan FA-gu wax ganaax ah u saari doonin Jordan Pickford ayaa lagu sheegay maadaama dhacdada lagu eegay qalabka garsoore caawiyaha ah ee VAR.

Virgil Van Dijk ayaa cisbitaal la geeyay kulanka kaddib iyadoo ay Liverpool xaqiijisay xalay inuu mari doono qaliin jilibka ah, maqnaanshaha 29 sano jirka ree Holland ayaa dhabar jab weyn ku ah qorshaha difaacashada horyaalka ee Reds.

Van Dijk ayaa ahaa mid si joogto ah qayb uga soo ahaa safka Jurgen Klopp, Liverpool ayaa la filayaa inay saxeexa daafac dhexe oo cusub u dhaqaaqi doonto bisha January.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More