Hadalkii la yaabka lahaa ee Arsene Wenger

Arsene Wenger ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Arsenal si uu u caawiyo Mikel Arteta hadii la waydiiyo, laakiin uma maleynayo inay taasi dhici doonto.

Wenger ayaa tababare u ahaa Gunners muddo 22 sano ah ka hor inta uuna ka tagin 2018 si la mid ah bixitaankii Sir Alex Ferguson ee Man United, kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa ka sii dartay tan iyo markii uu ka tagay.

Tababaraha reer France ayaa badalay Unai Emery laakiin waxa uu socday kaliya wax ka yar hal sano waxaana badalay bishii Diseembar 2019 Mikel Arteta.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ayaa kubilaabmay qaab ciyaareed fiican laakiin kadib guushii FA-ga ee xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay, wuxuu haatan wajahayaa cadaadis badan.

Isagoo la hadlayay NBC Sports, Wenger ayaa la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Arsenal si uu u caawiyo laacibkiisii ​​hore, iyadoo Wenger uu sheegay inuu caawin doono hadii la weydiiyo.

“Ma ahan wixii aan rajeynayey. Laakiin hadii loo baahdo waan caawin doonaa iyaga. Laakiin uma maleynayo inay dhici doonto,” ayuu yiri.

Wemger ayaan ku laabanin Arsenal oo uu maamule ka ahaa in ka badan 20 sano, wuxuuna aad uga xumaaday sida uu uga tagay kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, 71 jirkaan ayaa shaaca ka qaaday inuu dhawaan ku laaban doono kooxdiisii ​​hore si uu u daawado Arsenal, waxaana uu sheeganayaa in la joogo waqtigii uu bogsiin lahaa dhaawacyada ka soo tagay Arsenal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More