#Griezmann kulankii xalay ka dhacay Cump Nou Kala Kulmay Werar Xogaan Jamaahiirta Barc

741

- Advertisement -

Iyadoo guushii 2-0 ay ka gaartay Atletico Madrid shalayto koxda barc, waxa ay aheyd mid lagu amaani karo in la yiraahdo hogaamiyeyaasha horyaalka Spain ee Barcelona ayaa weli xaqiijiyay in ay yihiin wali kuwo hogaanka  La Liga ah haysta.

- Advertisement -

Iyagoo 11 dhibcood hogaanka ku hogaaminaya hogaanka horyaalka, kaliya todobo kulan oo xilli ciyaareedkan ka harsan, waxa ay u baahnaan doontaa qaar ka mid ah ciyaraha ay wajahan  Catalans si ay uga soo kabtaan guulaha oo ay islamarkaana ay ku guuleystaan koobkooda.

Dhanka kale weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa werar xoogan kala kulmay jamaahiirta Barcelona inta uu socday kulankii ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Cump Nou.

Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Ateltico Madrid oo ku ciyaareysay 10-xidig, kadib markii ay kaga adkaadeen 2-0, waxaana farqiga dhibcaha ee u dhexeeya labada kooxood uu haatan gaaray ilaa iyo 11 dhibcood.

Hadaba Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in taageerayaasha Barcelona ay caayeen weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann, iyaga oo ka dalbaday inuu ka tago garoonka Camp Nou.

Grizmann ayaa loo arkaa inuu yahay xidigaha ugu cad cad ee lala xiriirinayo u dhaqaaqista kooxda Barcelona kadib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo aadan.

Laakiin taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa waxay kulankan ku muujiyeen naceybka ay u qabaan Grizmann, iyagoo diidan fikada uu haatan ku imaanayo garoonka Cump Nou, sababa la xiriira inuu iska diiday fursadii uu ku imaan lahaa sanadii 2018, wuxuuna xiligaas doorbiday inuu sii joogo Atletico Madrid.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More