GO’AAN: Arsenal Oo Go’aan Buuxa Ka Gaartey Mikel Arteta Kaddib Xilli

Kooxda Premier League ee Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay inay sii haysato tababaraha kooxdeeda ee Mikel Arteta isla markaana doonaysa inay dhaqaale ku taageerto suuqa xagaaga.

Mustaqbalka tababaraha ree Spain ayaa si adag looga hadlayay in ka badan 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay kaddib markii ay Villarreal iyo tababare Unai Emery kaga cidhib tireen wareega afar dhammaadka.

Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska The Solar qoyska kooxda iska leh ee Kroenke Household iyo agaasimaha farsamada kooxdaas ee Edu ay wali kalsooni ku qabaan Arteta.

Walow ay Arsenal dhaqaale ahaan aad u saamayn doonto inay markeedii ugu horreysay mudo 25 sano ah ka maqnaan doonto gabi ahaanba tartamada Yurub haddana mulkiile Stan Kroenke ayaa la aaminsan yahay inuu laba ilaa saddex saxeex kooxda kusoo kordhin doono xagaaga.

Walow ay maamulka sarre ee Gunners wali yihiin kuwo taageersan Arteta hadda haddiiba ay kooxdu badhtamaha horyaalka sii fadhido ilaa dhammaadka 2021 ayaa la gaadhi doonaa markaas go’aanka lagu dirayo.

Xiddigaha kooxda ayaa waayi doona lacagaha gunnooyinka ah ee ay kooxdu ugu sii balanqaaday haddii ay Champions League usoo baxaan, sidoo kale xiddigaha heshiisyadooda lagu daray inay kooxda tartamada Yurub usoo saaraan ayaa iyaguna lacag ku waayi doona.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More