Gilberto Silva Oo Layaabay Arsenal Markii Ay Tababaraha Ka

Halyeygii Arsenal ee Arsenal ee Gilberto Silva ayaa ka hadlay hal arrin oo ka yaabiyey oo uu ku arkay Mikel Arteta muddadii uu tababaraha ka ahaa Gunners.

Arsenal ayaa xili ciyaareed dhibaato badan ku qaadanaysa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay kaga jirto meel hoose, waxaana usbuucan horraantiisii loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa muddo 39 sannadood ah.

Toddobaadka soo aaddan ayay sugaysaa ciyaar kale oo adag oo ay u tegi doonaan kooxda ay ka wada dhisan yihiin woqooyiga London ee Tottenham, taas oo Mikel Arteta laga usgayo inuu guul ka keeno, haddii kalena waxa su’aal geli doonta booska ay kooxdu kaga dhamaysan doonto horyaalka xili ciyaareedkan oo haddaba la saadaalinayo in aanay ka mid noqon doonin toddobada kooxood ee ugu sarreeya.

45 ciyaarood oo uu Mikel Arteta layliyey Arsenal, waxay celceliska guushoodu ahayd 55.56 boqolkiiba, taas oo ka dhigan in ku dhowaad kala badh kaliya ay guuleysteen kulamadii uu hoggaamiyay.

Gilberto Silva oo ka mid ahaa xiddigii Arsenal u qaaday horyaalkii ugu dambeeyey ee Premier League iyagoon hal marna laga badinin ayaa waxa uu sheegay inay layaab ku noqotay markii ay Arsenal tababare u magacaabeen Mikel Arteta kaddib waqti adag oo Unai Emery uu ku jiray, waxaanu yidhi: “Ma filayo inaan ahay qofka kaliya ee layaabka ay ku noqotay in Arsenal ay tababare u magacowday Mikel Arteta.

“Kaddib Arsene Wenger, waxay isku dayeen Unai Emery oo ay haddana go’aansadeen inay beddeleen markii ay shaqayn weyday. Dibedda waxaanu ka filaynay tababare khibrad badan oo shaqada qabta.

“Qof hore usii gaadhsiisnaa booskaas oo kale. Layaab ayay nagu naqatay badankayaga run ahaantii.”

Sidaas oo ay tahay haddana Gilberto Silva waxa uu qirtay inuu la dhacsan yahay taatikada uu Mikel Arteta ku waajahay kooxda, waxaanu yidhi: “Laakiin hannaan fiican ayuu soo rogay. Markii aan arkay sida uu uga hadlayo kooxda iyo fikradihiisa.

“Runtii waa mid xariif ah oo aad daacad u ah, taas ayaana muhiim ah, sababtoo ah waxay shaqadani ka mid tahay kuwa ugu adag dunida. Waxaana qasab ah inaad haysato kalsoonida iyo maskax xooggan oo aad ku gaadhi karto booskaas.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More