#Georginio Wijnaldum“Wax cadaadis nama saarna tani waa fursadii aan ku hanaan laheyn horyaalka yurub”

1,878

Xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Netherland ee Georginio Wijnaldum ayaa kalsooni weyn ka muujiyay in Reds ay awood u yeelan doonto inay soo bandhigto qaab ciyaareed fiican kulanka Tottenham Hotspur ee finalka Champions League, kaasoo Sabtida ka dhici doono caasimada Spain ee Madrid.

Georginio Wijnaldum ayaa ka hadlay hadii uu dareemayo wax cadaadis ah kahor ciyaarta finalka, kaddib wareysi uu ku bixiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool wuxuuna yiri:

“Shaqsi ahaan, xaqiiqdii ma jirto wax cadaadis ah ee aan dareemayo, aniga ahaan, waxaan u arkaa in tani ay tahay fursad aan ugu guuleysan karno Champions League”.

“Waxaan dooneynaa inaan aragno sida aan u ciyaareyno koox ahaan, marwalba way fududahay inaad ka hadasho naftaada, sababtoo ah waxaan xakameenayaa qaab ciyaareedkeyga iyo wax walba ee i quseeya, balse ma xakameyn karo kooxda oo dhan”.

“Waa inaan hubinaa inaan diyaar u nahay isla markaana aan u sameyn karno wax walba si aan u guuleysano kulankan, hadii uu jiro cadaadis waxaan arki doonaa maalinka Sabtida ee soo aadan”.

“Laakiin ilaa iyo haatan wax walba wey fiican yihiin, qof walba wuxuu dareemayaa raaxo, mana dareemayo inuu jiro cadaadis na saaran”.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More