Georgina Rodriguez oo ka walwalsan hubanti la’aanta ku

(Manchester) 15 Luulyo 2022. Cristiano Ronaldo Gacalisaddiisa Georgina Rodriguez ayaa Lagusoo warramayaa inay ka walaacsan mustaqbalka aan la hubin ee weeraryahanka reer Portugal ee Manchester United, sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee El Nacional.

Sida ay ku warramayso Sky Sports, Ronaldo ayaa ku wargeliyay United inuu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan si uu ugu tartamo Champions League-ga. Red Devils ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay ciyaari doontaa tartanka UEFA Europa League xilli ciyaareedka 2022-23.

Ronaldo ayaa sidaas darteed doonaya inuu ka tago Manchester, taasoo aan ku farxi doonin saaxiibtiis Georgina Rodriguez, sida laga soo xigtay Warbaahinta, Rodriguez waxay ka walwalsan tahay inuu u guuro magaalo kale ka dib markii uu hal sano ku qaatay England.

Georgina Rodriguez waxay aaminsan tahay in haddii ay magaalo hor Leh guuraan aysan u fiicnayn carruurtooda. Haddii Cristiano Ronaldo uu go’aansado inuu u dhaqaaqo koox kale, waxay noqon doontaa guurkii labaad ee qoyska uu sameeyo muddo laba sanno ah.

Waxa ay sidoo kale noqon doontaa geeddigooddii saddexaad afartii sanno ee la soo dhaafay, tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid sannadkii 2018, qoyska Ronaldo ma aysan joogin waqti dheer hal meel.

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo uu ka tagay Juventus xilli uu hal sanno uga harsan yahay qandaraaskiisa. Hadda wuxuu doonayaa inuu sidaas oo kale ku sameeyo Manchester United.

37 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa qalinka ku duugay heshiis labo sanno ah markii uu yimid Old Trafford xagaagii hore.

Ronaldo wali ma soo xaadirin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa sidoo kale qeyb ka ahayn safarka ay kooxdu ku tagi doonto Thailand iyo Australia sababo Lagu sheegay aarimo qoys

Cristiano Ronaldo ayay ku adagtahay in uu helo koox doonaysa xagaagan. Sida laga soo xigtay The Metro, Paris Saint-Germain (PSG) ayaa iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd kabtanka Portugal.

Manchester United ayaan wax dan ah ka lahayn iibinta Cristiano Ronaldo

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku adkeysanaya in Cristiano Ronaldo uusan iib ahayn xagaagan. Tababaraha reer Holland ayaa u sheegay saxaafada ka hor kulankii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay La ciyaareen Liverpool:

Ten hag Oo hadlayay ayaa yiri “Cristiano iib ma ahan, waxa uu ku jiraa qorshayaashayda, waxaana dooneynaa inaan guulo wada gaarno, waan la hadlay ka hor inta aysan arrintan soo bixin, wadahadal ayaan la yeeshay. isaga oo aan wada hadal wanaagsan la yeelanay.

Ronaldo ayaa ahaa dhaliyaha ugu sarreeya Manchester United xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu u dhaliyay 24 38 kulan oo uu u saftay Red Devils intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More