Gary Neville Oo U Sheegay Ole Gunnar Solskjaer Taatikada Uu

Bruno Fernandes iyo Paul Pogba waxay noqon karaan Kevin de Bruyne-ka iyo David Silva-ha Manchester United, sidaasi waxaa yiri Gary Neville.

- Advertisement -

Xiddiga khadka dhexe ee 89ka milyan ginni ku fadhiya Pogba ayaa dhawaan loo dhaadhiciyay kursiga keydka iyadoo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku guuldareystay inuu labada xiddig ee Pogba iyo Fernandes iska garab ciyaarsiiyo.

Halka xiddiga xagaagan 39ka milyan ginni ku soo wareegay Donny van de Beek uu sidoo kale ku guuldareystay inuu kulan Premier League ah ku soo bilowdo.

Marka shaxda lagu soo bilaabo, Pogba oo 27 sanno jir ah wuxuu booska burburiyaha khadka dhexe ka garab ciyaaraa Nemanja Matic taasoo ku qasbeysa xiddiga Koobka Adduunka ku guuleystay inuu bedelo taatikadiisa weerar.

Laakiin xiddigii hore ee Man United Gary Neville oo u hadlayay Sky Sports ayaa sheegay in tababare Solskjaer inuu wax ka bedeli karo xeeladiisa si uu Pogba iyo Fernandes uga dhigo xiddigii Man City guulaha ku hogaamiyay labo sannadood ka hor.

Neville ayaa yiri: “Waxaan qabaa inay tahay dhibaato marka xiddigo khadka dhexe oo qiimahooda yahay 150 kun ginni ay kursiga keydka geliso.

“Waxaad heysataa hal ciyaaryahan oo ku soo guuleystay Koob Adduun, kaasoo Yurub heystay.

“Waa xiddiga ugu qaalisan Manchester United, sidaasi oo ay tahayna ma awoodid inaad shaxdaada ku soo darto.

“Aniga ahaan, waligeey ma fahmin sababta uusan Ole isagu dayin inuu hal burburiye khadka dhexe ku soo bilaabo iyadoo Pogba iyo Fernandes ay ka horeeyaan, sida De Bruyne iyo David Silva oo kale.

“De Bruyne iyo Silva ma aysan aheyn xiddigo khadka dhexe oo dishibiliin leh laakiin Pep Guardiola ayaa ka dhigtay.

“Sidaasi darteed waa qaabka kaliya ee aan arko ee ay labadaan xiddig iskula ciyaari karaan.

“Malaha Ole wuxuu ku arkay tababarka, mana uusan jecleysan.

“Inta badan Ole wuxuu booska burburiyaha khadka dhexe ka wada ciyaarsiiyaa Matic iyo Pogba iyadoo Fernandes uu ka horeeyo.

“Pogba kama ciyaari karo halkaas, booskaas waxaad u baahan tahay inaad dishibiliin leedahay. Laakiin mar haddii aad hal xiddig oo burburiye khadka dhexe ah heysato markaas waxaad heleysaa xoriyad aad weerar ku qaado.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More