Gary Neville Oo Sheegay Labada Kooxood Ee Keliya Ee

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa sheegay in labada kooxood ee ree London ee Chelsea iyo Tottenham ay yihiin kuwa Liverpool kula tartami doona horyaalka sanadkan halka uu dhaawaca Virgil Van Dijk ku sifeeyay mid isbedel weyn keenaya.

Kooxda tababare Jose Mourinho ee Tottenham ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay dhigeeda Manchester City halka ay Chelsea 2-0 kaga soo adkaatay Newcastle United oo ay booqatay.

Dhinaca kale Liverpool oo dhaawacyo badan qabta xilli ciyaareedkan ayaa xalay markale awoodeeda banaanka keentay iyadoo 3-0 ku garaacday Leicester City oo soo booqatay.

Neville ayaan soo hadal qaadin kooxda awooda lagu tuhmayay ee Pep Guardiola ee Man City, si lamid ah kooxdiisii hore ee Man United iyo Arsenal.

Gary ayaa yidhi “Ma xilli ciyaareed ay Jose Mourinho iyo Frank Lampard iskaga hor imanayaan tartanka horyaalkaas?”

“Waxaan filayay inay Liverpool hoggaanka la fogaan doonto laakiin hadda maya, sidaas ma samayn doonaan iyadoo Virgil Van Dijk dhaawacan yahay, kaasi waa midka kaasi waa kulan bedelaha waana midka iyaga in badan soo bandhiga”

“Waxaynu filaynay inay Chelsea noqon karto mid xiiso leh bilawga xilli ciyaareedka maadaama oo ay haystaan saf da’yar oo xiiso leh, waxay u muuqataa in Frank Lampard uu bilaabay inuu arrimaha saxo”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More