Gary Neville Oo Magacaabay SADDEX Ciyaartoy Oo Ka Tegaya Manchester

Kabtankii hore ee Manchester United ee Gary Neville ayaa magacaabay saddex ciyaartoy oo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda ay United lasoo saxeexan doonto mid ka mid ah.

Gary Neville ayaa rumaysan in Jadon Sancho uu ugu dmabayn ka tegi doono Borussia Dortmund oo Manchester United ay u dhaqaaqi doono saxeexiisa, laakiin Harry Kane iyo Erling Haaland aanu midkoodan xilli ciyaareedka dambe ka dheeli doonin Outdated Trafford.

Waxa kale oo uu Gary Neville tibaaxay in saddex laacib oo Man United ka tirsan ay u baahanayaan in ay iskaga tagaan Outdated Trafford marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, kuwaas oo aanu ku jiri doonin Donny van de Beek.

“Waxay ila tahay, Juan Mata in uu kooxda wax acajiib ah u qabtay, uuna ka tegi doono.” Ayuu yidhi Gary Neville oo intaa ku daray: “Haddii ay lacag fiican ku helaan, waxa laga yaabaa in koox kale uu tago Daniel James oo ay iibiyaan.

“Waxa kale oo jira dareen ah in Jesse Lingard uu shaqo fiican ka qabtay West Ham, laakiin waxay ila tahay in Ole uu diidi doono, sidaasna uu kaga tegi doono kooxda oo ay lacagayn doonaan Jesse Lingard.”

Juan Mata, Daniel James iyo Jesse Lingard oo dhamaantood dhexda hore ee weerarka ka ciyaara ayuu Gary Neville tibaaxay in ay tegi doonaan, laakiin xiddigaha Bruno Fernandes, Paul Pogba, Mason Greenwood, Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Edinson Cavani lagu soo kordhin doono Jadon Sancho.

Gary Neville oo ka hadlayay Donny van de Beek waxa uu tibaaxay in ay muuqato in uu sii joogo doono xilli ciyaareedka dambe, waxaanu yidhi: “Van de Beek wuu sii joogayaa, siday ila tahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More