Garsoore Michael Oliver ayaa sharaxaya qaladkiisa

Garsoore Michael Oliver ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta qaladkii uu Jordan Pickford ku galay Virgil van Dijk bishii October taas oo keentay in uu dhaawac halis ah soo gaadho difaaca Liverpool kaas oo seegi doona inta ka dhiman xili ciyaareedka kadib qaliin lagu sameeyay.

Pickford wuxuu isku dayay dhameystir, laakiin wuxuu ka yimid boos xun, isagoo kubbada u diray taageerayaasha banaanka. soo galay oo sidaas uga badbaadiyey Picford in la ciqaabo.

Garsoore Michael Oliver ayaa qirtay in qalad la galay isla markaana ay ahayd in Pickford lagu ciqaabo khaladka Van Dijk, laakiin wuxuu sharaxay sida ay wax u dheceen iyo sida xaakimku u arki waayey waxa dhacay. dhacay.

Garsoore Michael Oliver ayaa yiri: “Markii hore waxaan u maleynayay inuusan aheyn ciyaaryahan maxaa yeelay wuxuu ahaa Offside waana inaan marka hore hubino. Waxaan u maleynayaa inaan ku iri VAR:” hubi inuu offside yahay, waana tooganayaa e.

Marar badan ayaan arkay. Uma maleynayo in Pickford uu sameeyay wax aan ka aheyn fidinta, laakiin wuxuu u kala bixiyay si qaldan sida dhaawaca uu muujiyay

“Dhamaanteen, aniga oo aan kujiro, uma maleyneynin in taakalku uu sidaas u weynaa. Waxaan siin laheyn Ofside Pickford-na waa laga saari lahaa”.

Michael Oliver ayaa sidoo kale sheegay inuu layaabay ciyaartoydii Liverpool in aanu ku soo darin hal ciyaartoy oo sheegay in uu arkay qaladkii Van Dijk ee Jordan Pickford.

“Waxaan layaabay mar dambe in uusan jirin hal ciyaaryahan oo Liverpool ah oo dalbaday (eeg Van Dijk). Hadii taasi dhacdo waxaan bilaabi lahayn inaan eegno Offside, laakiin Jordan Pickford waa la ciqaabi lahaa”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More