Frank Lampard Oo Xaaskiisa Ka Mamnuucay Inay Munaasibadaha

3

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa qirtay inuu qoyskiisa ka mamnuucay inay sameeyaan kulamada cashooyinka ah ee dadku iskugu yimaadaan maalinta ay kooxdiisu ciyaarayso.

Lampard ayaa kooxdiisa oo bandhig wanaagsan iyo guulo kusoo raaxaysanaysay ku hoggaamin doona berrito magaalada Newcastle halkaas oo ay kulanka furitaanka toddobaadka sagaalaad ee Premier League u tagayaan Newcastle United.

Kulankaas ayay qasab noqon doontaa in xaaska Lampard ay rajayn doonto inay Chelsea guul soo gaadho oo ay hesho guusheedii shanaad ee xidhiidh ah maadaama ay afar kulan xidhiidh u badiyeen kahor fasaxii caalamiga ahaa.

Sababta ay xaaska Lampard u rajayn doonto in Blues guuleystaan ayaa ah in sida uu halyeeyga ree England qirtay uu yahay mid aad u dabeecad xun marka ay kooxdiisu ciyaarayso kaddib haddii ay guuldarro la kulanto.

Frank ayaa qirtay in dabeecad xumadiisa kaddib marka ay guuldarro qaabilaan ay ka dhigtay mid mamnuuca in gabi ahaanba gurigiisa munaasibado casho lagu qabto maalmaha ay kulamo ciyaarayaan.

Macalinka Blues oo arrintaas ka hadlayay ayaa yidhi “Lama ogola inaanu munaasibado casho samayno amaba nooc isku imaatin ah kaddib kulamada haddiiba ay waxa ugu xumi (Guuldarro) yimaadaan”

“Sababtoo ah haddii aanu guuldarro la kulano anigu waxaan ahay mid aad u dabeecad xun, isma celin karo”

Lampard ayaa wali ah xiddiga abid ugu goolasha badan Chelsea isaga oo 211 gool usoo dhaliyay kooxdaas rekoodhkeedaasna ku haysta kaddib 648 kulan oo uu usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2014.

Lampard ayaa nolol cusub u sameeyay Chelsea isagoo kula soo guuleystay ka ciyaaryahan ahaan saddex Premier League, afar FA Cup, laba League Cup iyo min hal Champions League iyo Europe League ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More