Florentino Perez Oo Bixiyey Waraysi Xaasaasi Ah – Muxuu Ka Yidhi

Madaxweynaha kooxda kubadda cata Real Madrid ee Florentino Perez oo bixiyey waraysi xaasaasi ah oo uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha kooxdiisa iyo guud ahaan horyaalka Spain.

Perez ayaa waxa uu ka hadlay weeraryahanka Kylian Mbappe ee kooxdiisa lala xidhiidhinayo, saxeexyada ay samaynayaan, mustaqbalka Zinedine Zidane, Sergio Ramos, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayo Los Blancos.

Saxeexa Kylian Mbappe: “Runtu waxay in Mbappe uu yahay ciyaartoy wanaagsan, Real Madrid na waxay u baahan tahay isbeddel. Kama hadlayo Mbappe, laakiin waxyaabo badan ayaanu kusoo guuleysanay, waxyaabo badanna way dhaceen. Anigu wali lama hadal isaga… marka laga yimaaddo hal maalin oo aanu kaftanay. Waxa aan idiin xaqiijinayaa in aanan isaga la hadal sannado badan.”

Saxeexyada cusub ee Real Madrid: “Wax kasta oo karaankayga ah ayaan samaynayaa si aanay Madrid uga dhicin booskeeda saxda ah. Madridistas way og yihiin taas, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in aanu helno 900 milyan oo Euro, waxayna noqon kartaa 600 milyan oo Euro.

Soo laabasahda Cristiano Ronaldo: “Miyuu Cristiano Ronaldo soo laabanayaa? Maya. Wuxuu qandaraas kula jiraa Juventus, wax macno ahna ma samaynayso in uu soo laabto. Aad ayaanu u jecel nahay, wax badanna wuu noo qabtay.”

Mustaqbalka Sergio Ramso: “Isagana aad ayaan u jecelahay, laakiin waxaanu ku jirnaa xaalad aad u adag. Waa in aanu noqono waaqici. Dhamaantayo waqtigan marxalad xun ayaanu ku jirnaa. Maan odhanin Ramos masii joogayo, waxa aanu dhamaysanaynaa xilli ciyaareedka, ciyaartooyo badan ayaanu la hadlaynaa qaar badan si mutadawacnimo ah ayay hoos ugu dhigayaan mushaharooyinkooda. Qaarkood mar horbea way dhimeen mushaharkooda, gaar ahaan labada ciyaartoy ee Jovic iyo Odegaard. Ramos sannadkii hore ayuu aqbalay, sannadkanna xaaladdu way ka duwan tahay.”

Zinedine Zidane: “Waa tababarihii ugu fiicnaa ee waligayo aanu helno. Waa halyey. Wuxuu leeyahay shaqsiyad tayda oo kale ah. Masoo istaagi karo shirarka jaraa’id isagoo wuxuu doono sheegaya, laakiin wuu faraxsan yahay.”

Mustaqbalka Lionel Messi: “Waxaan jeclaan lahaa in uu joogo {Barcelona}, waa ciyaartoy weyn. Xafiiltanka Madrid-Barca waa raaxada kaliya ee aanu halkan ku haysano,malaayiin qof ayaa daawada. Marka City iyo United ay isku yimaaddaan, tusaale ahaan, taasi ma dhacdo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More