Fernandes oo shaaca ka qaaday hammiga Ronaldo ee mustaqbalkiisa

(Manchester) 01 Luulyo 2022. Bruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday hamiga uu xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Cristiano Ronaldo ka leeyahay mustaqbalkiisa kooxda Manchester United.

Wararka Ingariiska ka imaanaya ayaa sheegaya in Ronaldo uu doonayo inuu ka tago garoonka Old Trafford kaddib xilli ciyaareedkii niyadjabka ahaa ee kooxda ay ku lumisay wax walba, oo ay ku jirto fursadii ay ku ciyaari lahaayeen Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska The Sun ee dalka England ayaa iftiimiyay wareysiga Bruno Fernandes, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan wadahadalnay dhowr toddobaad ka hor, waxaan ku jirnaa fasax.”

“Waxaan rajeynayaa inaan ku arko Ronaldo 4-ta July Man United, ma filayo wax intaas ka badan, mana jiraan wax intaas ka badan.”

“Dhammaanteen waxaan xiiseyneynaa mustaqbalkiisa, waxaan aaminsanahay in kooxda aysan u baahneyn inay lumiso laacib leh qiimaha sida Cristiano Ronaldo.”

Yeelkeeda, Ronaldo ayaa ku soo laabtay Manchester United bishii August ee la soo dhaafay isaga oo kaga soo biiray Juventus, tan iyo markaas waxa uu u ciyaaray Red Devils 38 kulan oo tartamada oo dhan ah, isagoo u dhaliyay 24 , wuxuuna caawiyay 3 kale, xilli qandaraaskiisa kooxda uu gaarayo ilaa 2023.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More