Fariinta qiirada leh ee Lionel Messi

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa fariin qiiro leh u diray saaxiibkiisii ​​hore ee kooxda Barcelona Ronaldinho, oo hooyadiis ay u dhimatay xanuunka Korona kadib labo bilood oo uu xanuunsanaa.

- Advertisement 1 -

Ronaldinho hooyadiis, Miguelina Elói Assis dos Santos, waxaa la dhigay isbitaal bishii Diseembar ee sanadkii hore cudur wadnaha iyo xididada, waxayna ku jirtay qeybta daryeelka degdegga ah, halkaas oo ugu dambeyn ay ku dhimatay Sabtidii.

Sida laga soo xigtay Ronaldinho qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram, Miguelina Elói Assis dos Santos waa 71 jir waxayna ku jirtay Isbitaalka Mae de Deus ee ku yaal Porto Alegre labadii bilood ee la soo dhaafay.

Kadib warkii Miguelina Elói Assis dos Santos, tacsi waxaa loo diray Ronaldinho, oo ay ugu horeeyaan Barcelona iyo Atletico Mineiro.

Kooxda reer Spain ayaa u sheegtay Ronaldinho inay la qeybsanayaan murugada iyo walwalka ka dhashay geerida hooyadooda.

Xiddiga reer Argentine Lionel Messi ayaa bartiisa Instagram soo dhigay tacsi uu u dirayo Ronaldinho:

“Ronnie, ma aqaano erayada mana rumaysan karo. Waxaan kaliya rabaa inaan kuu soo diro sabir badan iyo salaan weyn adiga iyo qoyskaaga oo dhan.

Waan ka xumahay geerida hooyadaada waxaanan u rajeynayaa nabaddeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More