Faransiiska Oo Hadiyad Uu Ka Helay Hummels Ku Garaacay Jarmalka, VAR

Xulka qaranka France ayaa guul kasoo gaadhay waddanka Germany oo ay marti ugu ahaayeen magaalada Munich, waxaana ku filnaaday gool madi ahaa oo uu qaybtii hore iska dhaliyey Mats Hummel.

Kulankan oo fursado badan uu iska lumiyey Faransiiska oo laba goolna laga diiday, ayaa waxa guul 1-0 ah gaadhay France oo inta badan maamulayay ciyaarta, marka laga yimaaddo qaybtii dambe oo Jarmalku bandhig cajiib ahaa la yimid, laakiin ay awoodi waayeen inay shabaqa taabtaan.

Daqiiqaddii 20aad ee ciyaarta ayay Faransiisku u dabbaal-degeen goolka guushu ku raacday kaas oo ahaa kubbad uu Paul Pogba dhinaca bidix ugu tuuray Hernandez oo isaguna lasoo galay xerada ganaaxa, kaddibna soo hormariyey goolhayaha isagoo u dhigayay Kylian Mbappe, waxaase kubadda isku qabtay Hummels oo isku dayayay inuu iska difaac.

Afka hore ee Faransiiska oo ay ka wada ciyaarayeen Mbappe, Benzema iyo Griezmann ayaa waxay culays badan ku hayeen difaacyahannada Jarmalka, laakiin Rudiger iyo Hummels ayaa u babbac-dhigay, inkasta oo ay gool iska dhaliyeen.

Kylian Mbappe ayaa Faransiiska gool labaad oo aad u qurux badnaa u dhaliyey qaybtii dambe, waxaase markii uu bilaabay dabbaal-degga uu waayey ciyaartoy kale oo la dabbaal-degaysa markii uu xagga dambe eegayna waxa uu arkay calanka oo geesta kale ka taagan, isla markaana tilmaamaya inuu offside ku jiray.

Rabiot ayaa fursad dahabi ah ka lumiyey Faransiiska, iyadoo kubbad uu xerada ganaaxa la galay uu go’aansaday inuu goolka ku toogto, halkii uu baas u dhiibi lahaa Griezmann, waxaanay kubaddaasi dhinaca kaga dhacday shabaqa.

Karim Benzema ayaa daqiiqaddii 85aad gool kale u dhaliyey Faransiiska, waxaana markii ay dabbaal-degga dhamaysteen laga soo daawaday VAR, waxaana caddaatay inuu ku jiray Offside, sidaas ayaana lagaga diiday goolkaas.

Jarmalka oo culays badan la yimid daqiiqadihii u dambeeyey ayaa jabin kari waayey derbiga difaac ee Faransiiska ee Varane, Kimpambe, Pavard iyo Hernandez oo ay ka horreeyeen, waardiyeyna u ahaayeen N’Golo Kante iyo Paul Pogba oo waliba kashanayay Rabito.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Faransiiska oo waliba marti ku ahaa magaalada Munich.

Labadan waddan ayaa waxay ku jiraan Group F oo ay ku wehelinayaan Portugal iyo Hungary, waxaana hormadan hoggaanka u qabtay Portugal oo fiidkii hore 3-0 ku garaacay Hungry, waxaana labaad soo galay France oo ay min saddex dhibcood leeyihiin laakiin farqiga goolasha lagaga horreeyo.

Jarmalka ayaa ku jira kaalinta saddexaad oo hal gool lagu leeyahay, halka Hungry oo aan wax dhibco lahayn lagu leeyahay saddex gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More