#Falaqeynta Kulanka, Xidigaha maqan, safafka macquulka ah ee labada dhinac ManUnited VS Cardiff City

0 8,018

Kooxda Manchester United oo ku fashilantay in ay ku dhameestaan kaalmaha afarta sare ee lowgu soo boxo tartanka Champions League ayaa caawa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa Kooxda Cardiff oo u dhacday heerka hoose .

Wararka labada dhinac ka hor kulanka inta aan la baasan :

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in safkiisa kulanka ugu dambeeya ee horyaalka ay ku lug yeeshaan xidigaha da’da yarta ee Manchester United sida Tahith Chong, Angel Gomes iyo Mason Greenwood .

Kabtanka kooxda Antonio Valencia ayaa rajeynaya inuu taam u noqdo kulankaan si uu u safto kulankiisii ugu danbeeyey ee waayihiida Manchester United ka dib 10 sanno oo uu joogay United.

Jesse Lingard ayaa laga yaabaa inuu ka soo laabto dhaawac, laakiin Romelu Lukaku, Alexis Sanchez iyo Anthony Martial ayaa shaki laga gilinayaa kulanka

Dhinaca kale Kooxda Cardiff ayaa weyn doonta adeega xidigahooda kala ah Harry Arter iyo Victor Camarasa kuwaas oo qaba dhaawac kubka ah.

Ogeysiiska Ciyaarta ciyaarta :

Kulanka : Manchester United VS Cardiff? (Premier League)

Goobta : Old Trafford

Goorta : 5:00 oo Galabnimo

Garsoorka :Jonathan Moss

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor kulanka :

Manchester United ayaan laga badin sideed kulan oo horyaalka ah oo ay wajahday Cardiff tan iyo markii guuldarro 0-3 ay ka soo gaartay bishii November 1960 wixii ka dambeyey United ayaa badisay 6 kukan halka bar-baro ay galeen 2 kulan.

United ayaa ku badisay 5-1 kulankii horee waxa uuna ahaa kulankii ugu horeeyey ee macalin Ole Gunnar Solskjaer .

Cardiff weligeedba marna shabaqeeda gool kama aysan ilaalsan 15 kulan oo ay soo booqdeen garoonka Old Trafford tartamada oo dhan.

Manchester ayaa ku dhameesatay meel ka baxsan kaalmaha afarta sare ee horyaalka markoodii shanaad lixdii xili ciyaareed ee la soo dhaafay tan iyo markii uu xilka macalinimo iska casilay Sir Alex Ferguson .

Red Devils Kooxda lagu naaneeso ayaa ah guul la’an shantii kulan ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, iyaga oo kaliya badiyey 2 kulan oo ka mid ah 11 kii kulan ee la soo dhaafay ( 2 guul 2 bar-baro iyo 7 qasaaro).

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More