Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Horyaalka Premier League Ee Kooxaha West Brom v Arsenal

Arsenal ayaa ku sugan The Hawthorns oo marti u ah West Brom waxayna rajeyneysaa guusheedii seddexaad ee Premier League oo isku xigta.

Tababare Mikel Arteta, oo kooxdiisu ay dhibaatooyin culus ku jirtay xilli ciyaareedkan, ayaa laga nastay usbuucii hore markii ay garaaceen Chelsea iyo Brighton, waxaana uu maanta ku bilaabay shax adag oo uu filayo inuu ku daro seddex dhibcood oo dheeri ah.

Difaac ahaan, Hector Bellerin, Holding, Mari iyo Tierney Arsenal ayaa ku soo bilaawday ciyaartii saddexaad oo xiriir ah, laakiin Mikel Arteta ayaa isbadal ku sameeyay qadka dhexe iyo weerarka.

Kabtan Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ayaa si wada jir ah ugu soo wada bilaawday, iyadoo labada qadka dhexe ee Smith-Rowe, Saka ay ka soo kabteen dhaawac, Xhaka iyo Dani Ceballos.

Mikel Arteta waxaa kursiga keydka fadhiya Willian iyo David Luiz, Gabriel Martinelli, Elneney, Willock iyo Nketiah.

Shaxda rasmiga ah ee labada koox

ARSENAL XI: Leno, Bellerin, Holding, Mari, Tierney, Ceballos, Xhaka, Saka, Smith-Rowe, Lacazette, Aubameyang.

Kaydka: Runarsson, Willian, Maitland-Niles, Pepe, Luiz, Elneny, Willock, Nketiah, Martinelli.

WEST BROM XI: Johnstone, Furlong, Ajayi, O’Shea, Ivanovic, Sawyers, Robinson, Phillips, Gallagher, Diangana, Pereira.

Kaydka: Button, Gibbs, Bartley, Grosicki, Austin, Harper, Krovinovic, Peltier, Diaby.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More