#Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Crystal Palace vs Man City

7,609

Manchester City ayaa dib ugu soo laaban karta hogaanka horyaalka Ingiriska hadii ay ka guuleysato kooxda Crystal Palace, waxaad sii toos uga daawan karta axadle direct.

Kooxda Manchester City ayaa garoonka Selhurst Park kula baratami doonta Kooxda Crystal Palace oo la ogaa in dhagta dhiiga ay u dartay kulankii koowaad oo ka dhacay garoonka kooxda Sky Bule.

City ayaa ku fakareysa in aysan lumin dhibac qura xitaa madaama Kooxda lasaaran safka hore ee baska ee Liverpool ay caawa mari doonta tijaabo adag wallow lagu ciyaaraya garoonka mucamarka ah ay ka arimiso Liverpool.

Wararka labada koox ka hor kulanka :

Daafaca kooxda Crystal Palace ee James Tomkins ayaa seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulan ciyareedkii Newcastle.

Daafaca dhexe ee Mamadou Sakho ayaa weli maqan la maqan dhaawac jilibka ah laakiin Max Meyer ayaa diyaar ah ka dib markii uu seegay kulankii ugu danbeyey oo ay kooxdiisu ciyaarto.

Geesta kale Manchester City xidigooda Bernardo Silva ayaa seegay guul darradii ka soo gaartay Tottenham  tartanka Champions League waxaana uu wajahayaa tijaabo caafimaad si loo hubiyo in uu ciyaari karo iyo in kale.

Oleksandr Zinchenko, ayaa sidoo kale la hubin doonaa xaalkiisa kaas oo ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeyey ee ay ciyaarto kooxda City madaama  uu ka dhaawacmay muruqa.

Daafaca dambeedka bidix ee Benjamin Mendy ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulankiisii ugu horeysay tan iyo markii uu ku dhaawacmay Manchester derby shan bilood ka hor, halka Kevin de Bruyne iyo Leroy Sane ay dib ugu soo laaban karaan safka koowaad.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulan : Crystal Palace VS Man City? ( Premier League)

Goobta : Selhurst Park

Goorta : 4:05 oo Galabnimo Geeska afrika

Garsoorka : Martin Atkinson

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey Ciyaarta ka hor intaan la baasan:

Manchester City ayaa guul  la’aan ah labadii kulan ee ugu dambeysay ee ay ka horyimaadeen Crystal Palace, oo ay ku jirto guuldaradii 3-2 oo ka dhacday Etihad Stadium horaantii xilli ciyaareedkan. Ka hor inta aysan ku guuleysan 7 guulood oo isku xigta oo ay ka horyimaadeen Palace tartamada oo dhan.

Palace ayaa dhameystiri karta guul ay ka gaarto kooxda Man City labada kulan ee horyaalka  markii ugu horeysay tan iyo 1972-73.

Manchester City ayaa badisay sideed kulan oo isku xigta oo Premier League ah, iyadoo shabaqa ilaashatay lix ka mid ah 7dii kulan ee ugu danbeysay.

Waxay badiyeen sideed ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaaraan kooxaha reed London (1bareejo iyo,1 qasaaro),  guuldaradaas ayaana aheyd 2-0 waxa ayna ka soo gaartay Chelsea bishii December.

Palace ayaa badin karta labo kulan oo isku xigta horyaalka markoodii labaad xili ciyaareedkan iyaga oo horey u badiyey labo kulan oo isku xigta bishii December kaddib markii ay ka adkaadeen kooxaha Leicester iyo  Manchester City.

Eeg safafka macquulka ah ka hor kulanka  badbadal sawiradda dusha saraan:

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More