Fal Fulaynimo Ah Oo Ay Ku Kaceen Lionel Messi & Xiddigaha

2

Lionel Messi iyo Barcelona ayaa cambaareyn kala kulmay taageerayaashooda ka dib markii ay 17 jirka Pedri u direen inuu la hadlo warbaahinta ka dib guuldaradii Atletico Madrid.

Barcelona ayaa laga badiyay kulankii seddexaad ee La Liga ee xilli ciyaareedkan iyadoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid.

Yannick Carrasco ayaa dhaliyay goolka kaliya qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Messi iyo asxaabtiisa ay ku hor kufeen Atletico.

Kooxda Catalans waxay sagaal dhibcood ka danbeeyaan kooxda Atletico Madrid oo ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka.

Taageerayaasha ayaa ka careysanaa qaab ciyaareedka liita ee ay kooxda soo bandhigtay laakiin waxay si weyn uga careysanaayeen go’aankii ay kooxda ugu dirtay Pedri inuu la hadlo warbaahinta ka dib guuldarada/

Da’ yarka reer Spain oo kulankiisii ugu horeysay saftay bishii September ayaa loo xilsaaray inuu warbaahinta la hadlo taasoo keentay in xiddigaha waa weyn ee Barcelona ee uu ku jiro Lionel Messi lagu eedeeyo fulaynimo.

Mid ka mid ah taageerayaasha Barcelona ayaa Twitter ku soo qoray: “Messi, Pique iyo kabtanada kale ee Barcelona waxay warbaahinta u direen xiddig ku cusub kooxda oo aan af Isbaanish ku hadlin Dest kulankii ay guuldarada naga soo gaartay El Clasico bedelkii ay hogaamiyayaal noqon lahaayeen, maantana waxay direen 17 jirka da’da yar oo kulankiisii ugu horeysay ee Atletico ka dib guuldaradaan.”

Messi, Pique and Barcelona’s other captains sent a non Spanish speaking debutante Dest out to face the press after their Clasico loss instead of acting like leaders and today they sent out their new 17-year old youngster Pedri in his first game vs Atletico after this loss. pic.twitter.com/IxGQUwsomv

— M•A•J (@Ultra_Suristic) November 21, 2020

Taageere kale ayaa isan yiri: “Atleti ayaa garaacday Barcelona, qof kaliya ee wajihi karay warbaahinta waa da’ yarka Pedri. Alla maxay kooxdaani noqotay mid sharaf dhac ah.”

Atleti beats Barcelona and the only one that shows up to face the media is the teenager Pedri.

What a disgrace the club has turned into.

— Rafael Hernández (@RafaelH117) November 21, 2020

Mid kale ayaa soo qoray: “17 jirka Pedri ayaa loo diray inuu bixiyo wareysiga ciyaarta ka dib, waxay tani wax badan kaaga sheegeysaa kabtanimada Messi”

Mid kale ayaa yiri: “Kabtan ma joogo, waayo arag ma joogo, laakiin 17 jir ayaa bixinaya wareysiga ciyaarta ka dib  weliba iyadoo guuldarro weyn ay dhacday. Alla maxay ceeb tahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More