FADEEXAD: Wayne Rooney Oo Laga Caydhinayo Shaqada Tababarenimo, Saddex

Wayne Rooney ayaa laga caydhinayaa shaqada tababarenimo ee kooxda Derby County oo la sheegayo in kooxdu ay ka fiirsanayso waqtiga ay go’aanka ka gaadhayso, kaddib markii uu la tuntay saddex haween ah, markii dambena ay midkood wada tageen qol ku yaallay hotel uu seexday, taas oo sawir iska qaadday iyadoo qaybta sare oo dhan qaawan tahay, kuna dul-jiifta Rooney oo u muuqday inuu dhunkanayo/shuminayo.

Halyeyga Manchester United ayaa hore u sheegay in gabadhani ay qasabtay oo uu ka dacweeyey booliska, laakiin hadda waxa soo baxaya fadeexado kale.

Wargeyska The Sun ayaa helay sawirrada Rooney iyo gabadha 35 jirka ah ee qaawanaanta iskula sawirtay iyagoo qolka ku wada jira, taas oo iyaga oo wada socda ay hotelka wada yimaaddeen, kaddibna qolka isla tageen.

Wayne Rooney ayaa booliska u sheegay in la shirqoolay oo 10,000 Gini oo lacag ah lagu rakaateeyey, laakiin waxa la ogaaday in hotelka Chinawhite ee magaalada Manchester uu kula caweeyey saddex dumar ah oo markii dambena ay midkood isku raaceen hotelka Staycity oo ay gabdho kalena ugu yimaaddeen.

Kaddib kulan saaxiibtinimo oo ay Derby County la ciyaartay Salford City, Rooney ayaa la arkay isagoo laba dumar ahi la socdaan oo gelaya qolka hotelka xilli saacaddu ahayd 5.15am (subaxnimo) ee maalintii Axadda, waxaana quruxleyda Tayler Ryan oo ku dul-jiifta Rooney xilli qaybta sare ee jidhkeedu uu qaawan yahay ay muuqaal ka duubeen saaxiibbadeedii kale ee la joogay ee Elise Melvin iyo Brooke Morgan.

Wayne Rooney oo sannadkii 2008 guursaday Coleen, isla markaana dhalay afar carruur ah, ayaa waxa hadda mugdi ku jiraa mustaqbalka shaqada kooxdiisa iyo midka gurigiisaba.

Coleen ayaa la sheegay in ay cadhadii u baxday dalxiis oo ay goob xeeb ah ku sugnayd xilliyada ay fadeexadan warbaahintu soo bandhigayeen, laakiin lama sheegin cidda ku wehelinaysa iyo haddii ay la socdaan carruurteedu.

Dhinaca kale, Booliska ayaa baadhitaan ku samaynaya doodda Rooney ee ah in gabadha sawirka la gashay ay rakaataysay oo ay ka qaateen 10,000 Gini, laakiin warbaahinta ayaa sheegaysa in dooddaasi u muuqato mid been ah oo uu laacibkan hore isagu iskala damaashaaday gabadhan iyo saaxiibbadeed ba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More