FADEEXAD KALE: Xaaska Mesut Ozil Waxa La Seexday Ciyaaryahannada AC

Waa fadeexad kale iyo cod sir ah oo laga duubay Madaxweynaha Real Madrid oo maalmihii u dambeeyey ay warbaahinta Spain soo bandhigaysay. Hoosta ayaad ka dhegaysan kartaa codka sheekadan fadeexadda ah ee xaaska Mesut Ozil oo uu aflagaaddaynayo Jose Mourinho, laakiin waa kaliya Madaxweyne Perez oo arrintan ka sheekaynaya.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sheegay, in tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho uu u sheegay Mesut Ozil, in xaaskiisa ay gogol la wadaageen dhamaan ciyaartoyda Inter Milan iyo AC Milan iyo walba shaqaalaha labadaas kooxood.

Wargeyska El Confidencial ee kasoo baxa Spain ayaa soo bandhigay codkan, iyadoo horena ay dhawr cod oo kale oo fadeexado ah oo uu aflagaaddaynayo Ronaldo, Mourinho, Casillas iyo Raul ay uga soo gudbiyeen Madaxweynaha Real Madrid.

Codka halka hoose aad ka dhegaysan karto oo laga duubay Perez sannadkii 20212, waxa uu kaga hadlay waqtigii Mesut Ozil ee Real Madrid iyo xilli ay isku dhaceen Jose Mourinho, taas oo keentay inuu laacibka reer Germany iskaga tago Santiago Bernabeu.

Florentino Perez ayaa ku bilaabaya sheekadan fadeexadda ah: “Markii uu Ozil yimid Madrid, waxa uu xaaskiisa u beddelay quruxley dharka ku xayeysiisa Milan illaa intii uu Mourinho u sheegayay, in quruxlaydaas ay u galmoodeen dhamaan ciyaartoyda Inter iyo AC Milan iyo waliba shaqaalaha farxamada ee labada kooxood”. Markii uu intan yidhi ayuu qoslay Perez.

Mesut Ozil ayay Real Madrid kasoo iibsatay Werner Bremen sannadkii 2010 kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyey koobkii Adduunka, laakiin Perez ayaa rumaysan inuu laacibkani bilaabay arrin kale oo ah inuu gacalisadiisa ka dhigay quruxlay dharka ku xayaysiisa magaalada Milan, taasina ay beddeshay isaga noloshiisa.

“Ozil wuxuu yimid isaga oo 21 jir ah oo ay la socoto saaxiibaddii, laakiin si degdeg ah si degdeg ah ayuu iskugu muujiyey Madrid oo uu beddelay noloshiisa.” Ayuu yidhi Perez.

Isaga oo kusii fogaanaya aflagaaddada Ozil wuxuu yidhi: “Wuxuu u sheegay saaxiibaddii inay noqoto kuwa dharka ka xayaysiiya Milan, waxay qaadan jirtay diyaarad khaas ah si loo soo f***lo, kaddibna way soo laaban jirtay.”

Halkan ka dhegayso codka

El mejor audio de lejos ? Mourinho es un crack en todo sentido, pobre Ozil. pic.twitter.com/yTsTFMbTYF

— Valverderismo (@EdwinRM08) July 16, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More