Erling Haaland Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Xilli

Chelsea ayaa niyadjab xoogan la kulantay ka dib markii Erling Haaland uu maanta shaaciyay inuu qorsheynayo inuu xilli ciyaareedka soo socda u sii dheelo Borussia Dortmund.

Blues ayaa ka dhigatay Haaland bartilmaameedkooda koowaad ee xagaagan, waxayna ka fiirsanayaan inay ka gudbiyaan dalab 135 milyan ginni ah ka dib markii laga soo diiday dalab ka koobnaa kaash iyo ciyaaryahano.

Si kastaba, xiddigaan weerarka ka dheela ayaa sheegay maanta inuu qorsheynayo inuu sii joogo Dortmund isagoo shaaciyay inuu sugi weysan yahay inuu ka garab ciyaaro Donyell Malen oo ay kooxda Jarmalka dhawaan la soo wareegtay.

Malen ayaa ka yimid kooxda PSV Eindhoven isagoo bedelaya Jadon Sancho oo heshiis 73 milyan ginni ugu wareegay Manchester United.

Xiddiga reer Norway ayaa ku kaftamay inuu si waali ah uga xanaaqi doono Malen haddii uusan caawin badan u sameynin xilli ciyaareedka soo socda.

Haaland ayaa yiri: “Waxaan u sheegay inuu ii sameeyo cawin badan, haddii kale aad ayaan uga xanaaqi doonaa.

“Waxaan rajeynayaa inaan weerarka iska garab ciyaari doono. Wuxuu halkaan u yimid inuu wax nagu soo kordhiyo.

“Waa inuu tamar fiican la yimaado kooxda oo uu natiijo inuu keeno daqiiqada ugu horeysa sababtoo ah BVB waa koox weyn.”

Hadalkaan ayaa imaanaya ka dib markii Halland uu qirtay inuu rajeynayo in wararka la xiriirinaya Chelsea ay yihiin kaliya kuwa xan ah.

Sababtoo ah 21 jirkaan ayaa aaminsan in qiimaha la duldhigay ee gaaraya 175 milyan euro oo u dhiganta 150 milyan ginni inay tahay lacag xad dhaaf ah oo laga bixiyo hal ciyaaryahan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More