Erik ten Hag oo xiiseynaya adeega xiddig ka tirsan Chelsea – FM

(Manchester) 01 Juun 2022.  Tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag, ayaa isha ku haya inuu helo adeega xiddig qeyb ka ah Chelsea si uu ugu xoojiyo safka kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Ten Hag ayaa indhaha ku haya xiddiga heerka caalami ee dalka Ingariiska, Mason Mount, waxaana uu la socdaa xaaladiisa kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge ee waqtigan, wuxuuna rajeynayaa inuu gacanta ku dhigo saxiixiisa xilliyada soo socda.

Wargayska The Sun ee ee dalka England ayaa sheegay in wadahadalada Chelsea iyo Mount ee lagu cusboonaysiinayo heshiiska labada dhinac aanay u socon siddii bathroom baahnaa, sababo la xidhiidha xaalada kooxda oo uu iibsaday maalqabeenka Maraykanka ah ee Todd Boehly.

Manchester United ayaa durba u dhaqaaqday oo la xiriirtay wakiilka Mason Mount si ay ugu gudbiso xiisaha Red Devils ee ku aadan helida saxiixa ciyaaryahanka, maadaama Tin Hag uu si fiican uga warqabo awoodiisa, isla markaana Mount uu horey ugu soo ciyaaray qaab amaah ah kooxda ka ciyaarta horyaalka Holland ee SBV Vitesse.

Qandaraaska hadda ee 23 jirkan uu kula joogo kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Blues wuxuu dhacayaa June 2024.

Ten Hag ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka tababaranimo ee Man United isaga oo badalay macalinkii ku meel gaarka ahaa ee Ralf Rangnick, wuxuuna isku dayayaa inuu kooxda dib ugu soo celiyo awoodii ay ku lahayd tartamada kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More