Erik ten Hag oo farriin digniin ah u diray ciyaartoydiisa kaddib

(Bangkok) 13 Luulyo 2022. Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kooxdiisa kaddib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah kulankii saaxiibtinimo ay la ciyaareen Liverpool.

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa shalay kulan saaxiibtinmo ku wada ciyaaray garoonka Rajamangala National ee dhaca caasimadda Thailand ee Bangkok, iyada oo kulankan ay Red Davis 4-0 kaga adkaatay Reds.

Kaddib guushan weyn ay ka gaartay Manchester United kooxda ay xilfaltamaan ee Liverpool, waxay ku guuleysatay ku guuleysteen koobka qarniga ee Bangkok ee Bangkok Cup, waana kulankooda ugu horreeyay saaxiibtinimo ay ka ciyaareen isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Haddaba ciyaarta kaddib Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa wuxuu fariin u diray ciyaartoydiisa, wuxuuna yiri:

“Dabcan, waan ku qanacsanahay sababtoo ah kooxdu waxay soo bandhigtay niyad wanaag kulankii maanta, laakiin hadda waan bilownay.”

“Waa inaan si adag u shaqaynaa, kana fogaanaa khaladaadka.”

“Maanta waxaan ahayn koox geesi ah oo firfircoon, laakiin waxaan sameynay qaladaad cadaadis ah, laakiin waxaan abuurnay fursado badan.”

Tababarihii hore kooxda Ajax ayaa sharaxay waxyaabaha ay tahay in laga shaqeeyo, wuxuuna yiri:

“Waan ogahay inaan heysano ciyaartoy wanaagsan, laakiin waxaan arkay qaladaad badan.”

“Waa inaan si adag u shaqeynaa, waxayna qaadan doontaa waqti badan, mana ahan inaan qiimeyno natiijada, laakiin waxaan arkaa inaan heysano hal abuur badan iyo xawaaro hordhac ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More