England Oo U Gudubtay Finalkii U Horreeyey 55 Sannadood, Talyaaniga Oo

Xulka qaranka England ayaa usoo baxay finalka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 oo ay kula ballameen Talyaaniga kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen Denmark.

Ciyaar lagu daray 30 daqiiqadood oo dheeraad ah ayaa uu Ingiriisku ku xaqiijistay finalkii ugu horreeyey ee ay tagaan muddo 55 sannadood ah, waxaanay waajihi doonaan Talyaaniga oo kasoo adkaaday Spain.

Denmark ayaa gool la hormaray daqiiqaddii 30aad, waxaana laad xor ah oo toogasho toos ah u dhaliyey Mikkel Damsgaard, waxayse Ingiriisku dabbaal-dageen sagaal daqiiqadood kaddib iyadoo uu gool iska dhaliyey kabtanka Denmark ee Kjaer oo isku qabtay kubbad ka timid Sterling.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay England heshay rikoodhe, waxaana u tuuray Harry Kane oo laga qabtay balse dib ugu celiyey oo dhaliyey, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-1.

Finalka Euro 2020 ayaa waxa Sabtida wada ciyaari doona Talyaaniga iyo Ingiriiska, iyadoo lagu ciyaari doono isla garoonka Wembley ee ay labadii kulan ee u dambeeyey ka dhaceen.

Shaxdii labada xul

DENMARK (3-4-3): Kasper Schmeichel; Andreas Christensen, Simon Kjaer, Jannik Vestergaard; Jens Stryger Larsen, Pierre-Emile Hojbjerg, Thomas Delaney, Joakim Maehle; Martin Braithwaite, Mikkel Damsgaard, Kasper Dolberg.

Kaydka: Jacob Andersen, Robert Skov, Andreas Skov Olsen, Zanka, Christian Norgaard, Jonas, Daniel Wass, Jonas Wind, Yussuf Poulsen, Andreas Cornelius, Frederik Ronnow, Mathias Jensen.

ENGLAND (4-2-3-1): Jordan Pickford; Kyle Walker, John Stones, Harry Maguire, Luke Shaw; Declan Rice, Kalvin Phillps; Bukayo Saka, Mason Mount, Raheem Sterling; Harry Kane.

Kaydka: Jack Grealish, Jordan Henderson, Marcus Rashford, Kieran Trippier, Aaron Ramsdale, Tyrone Mings, Conor Coady, Jadon Sancho, Phil Foden, Sam Johnstone, Reece James, Jude Bellingham.

Xulka qaranka England ayaa intii aanay ciyaartu bilaabmin waxay sii ogaayeen rikoodhka xun ee ay ka haystaan kulamada xulka Denmark oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah ka helin. Laba jeer oo ay badiyeen Denmark iyo saddex barbarro ah ayay kusoo dhamaadeen lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana Ingiriiska oo guul hela ugu dambaysay Koobkii Adduunka 2003 oo ay 3-0 ku adkaadeen.

Harry Kane ayaa tijaabadii ugu horreysay ka qaaday Schmeichel, waxaana kubbad ay isku dhiibeen Raheem Sterling uu ku toogtay lugta midig, balse waxay kubaddu si toos ah ugu tagtay goolhaye Kasper Schmeichel.

Denmark ayaa ka jawaabtay oo kubbad uu lumiyey Phillips waxa helay Hojbjerg oo galay xerada ganaaxa xulka England, waxaanu ku toogtay goolka balse goolhaye Jordan Pickford ayaa badbaadiyey oo dib iskaga soo celiyey. Dolberg oo ay si toos ah ugu gagtay kubaddu ayaa maamulay oo u dhiibay Braithwaite oo isaguna toogtay waxayse ku dhacday Maguire oo dallacay.

Damsgaard ayaa hoggaanka u dhiibay Denmark daqiiqaddii 30aad, waxaanu si toos ah shabaqa u dhex-dhigay laad xor ahaa oo uu ka toogtay masaafo fog. Kubadda ayaa ku socotay masaafo 91km/h ah, waxaanay shabaqa gashay iyadoo uu goolhaye Pickford waxba ka qaban kari waayey oo ay waliba dushiisa martay.

Goolkan ayaa noqday midkii ugu horreeyey ee laad xor ah ee si toos ah looga dhaliyo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 iyo goolkii ugu horreeyey ee laga dhaliyo England oo aan shabaqooda la taabanin intii uu socday tartanku.

Schmeichel ayaa badbaadiyey kubbad halis ahayd oo uu masaafo dhow kaga toogtay Raheem Sterling.

Daqiiqaddii 39aad ayay Ingiriisku heleen goolka barbarraha, waxaana kubbad uu Raheem Sterling kala soo galay dhinaca midig oo uu soo hormarayey goolka isku qabtay kabtanka Denmark ee Kjaer.

Qaybtii dambe ayay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar sarraysa, waxaana gacan sarraysay England oo dhawr fursadood oo dahabi ahaa uu ka diiday goolhaye Schmeichel.

Harry Maguire ayaa laba kubbadood oo madax halis ahaa ku qabtay goolka, waxaase la socday Schmeichel, waxaanay 90kii daqiiqadood ee ciyaartu kusoo dhamaatay 1-1.

Waqti dheeraad ahaa ayaa lagu daray ciyaarta si loo kala saaro labada xul, waxaana dardar cajiib ahaa lasoo galay xulka England oo laba beddel oo ay sameeyeen oo ahaa Phil Foden iyo Jack Grealish oo uga horreeyey.

Dhawr fursadood oo halis ahaa ayay xulka England iska khasaariyeen qaybtii hore ee waqtiga dheeraadka ahaa, waxaana ugu halis badnayd kubbad uuu Harry Kane la hortegay goolhayaha balse uu Kasper ka qabtay.

RIKOODHEEE!!!! England ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 104aad kaddib markii Raheem Sterling oo uu ku dhacay xerada ganaaxa, waxaana looga soo daawaday VAR kaddib markii ay ciyaartoyda Denmark ku doodeen in uu istuuray. VAR ayaa ayidday go’aanka garsooraha.

GOOOOAAAAALLLL!!!! Harry Kane ayaa hoggaanka u dhiibay xulka England, ciyaartana ka dhigay 2-1. Rikoodhihii uu tuurtay ayaa waxa ka qabtay Schmeichel, kase yeeshee kubadda oo uu soo tufay goolhayuhu ayuu dib ugu celiyey goolka, sidaas ayaanay England ku dhalisay goolka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday England.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More