Dowlada Mareykanka Oo U Hanjabtay Man United Oo

Manchester United ayaa wajaheysa ganaax lacageed oo gaaraya 20 milyan doolar haddii ay bixiyaan lacagta madaxa furashada ah ee ay dalbanayaan burcadii jabsatay kombiyuutaradooda.

Man United ayaa dhibane u noqotay weerar lagu soo qaaday kombiyuutaradeeda iyadoo lala wareegay maamulkooda, waxayna u yeerteen rag khuburo ah oo la dagaalama burcada una soo celiya maamulkii kombiyuutarada.

Burcada jabsatay kombiyuutarada kooxda ayaa dalbanaya malaayiin ginni oo madax-furasho ah, laakiin Man United ayaa ganaax 20 milyan doolar ah kala kulmi doona Waaxda Hanti Dhowrka Mareykanka haddii la ogaado in burcada ay yihiin tuugo internet-ka oo ku jira liiska la baadigoobayo.

Inkastoo Man United ay ka dhisan tahay dalka UK hadana kooxda ay iska leeyihiin qoyska Glazers waxay ka diiwaangashan tahay suuqa saamiyada New York ee New York Stock Exchange, sidaasi darteed waxaa qabanaya sharciga Mareykanka.

Waaxda Hanti Dhowrka Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay sheegtay in shirkad walba oo bixisa madax-furashada ay dalbadaan burcada wax jabsata in la ciqaabi doono xitaa haddii aysan ogeyn cida ay yihiin dambiilayaasha.

Dowlada Mareykanka ayaa ugu hanjabtay shirkadaha oo ay ku jirto Man United inay la kulmi doonaan ganaax 20 milyan doolar ah haddii bixiyaan madax-furasho ay dalbadaan budhcada internet-ka.

Waaxda difaaca qaranka ee budhcadda Internet-ka ee dalka UK ayaa iyagana uga digay Man United inay bixiyaan madax-furashada madaama aysan balanqaadi karin in budhcada ay ka soo bixi doonaan balantooda oo ay maamulka kombiyuutarada dib ugu wareejin doonaan kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More