Diyaaradii ay la socdeen ciyaartoyda Real Madrid

Real Madrid ayaa ugu dambeyn timid Pamplona ka dib markii ay afar saacadood ku qaadatay garoonka diyaaradaha Madrid, halkaasoo ay ka raaci kari waayeen duulimaad.

Real Madrid ayaa u duushay Pamplona habeenkii Sabtida si ay ula ciyaarto Osasuna, laakiin diyaaradii way duuli kari wayday, taasna waxay keentay in ciyaartoydu afar saacadood garoonka ku jiraan.

Diyaaradda ayaa ku duuli kari weyday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan sababo la xiriira baraf iyo cimilo xumo, taasoo sababtay inay dib u dhacdo

Los Blancos ayaa go’aansatay inay u dhaqaaqdo Pamplona maalin ka hor ciyaarta si looga fogaado barafka xilligan ka da’aya dalkaas iyo Yurub inteeda badan.

Kulanka Real Madrid iyo Osasuna sidoo kale shaki ayaa ku jira maadama cimilada ay saameyn ku yeelan karto haddii barafku u da’o sida xalay oo kale, laakiin labada kooxba waa kuwo rajo fiican qaba.

Ciyaaryahanadda Real Madrid ayaa lagu sawiray garoonka diyaaradaha iyagoo ka careysan inay ku xayiran yihiin waxaana warbaahinta Spain ay soo wariyeen in qaar ka mid ah xiddigaha ay careysan yihiin.

Diyaaradda ayaa ugu dambeyn lasii daayay afar saac kadib duulimaadkii loo qorsheeyay, waxayna ciyaartooydu si nabad ah ugu duuleen Pamplona oo ay xalay seexdeen.

Barafka ayaa lafilayaa inuu kusii kordho Pamplona marka loo fiiriyo Madrid, Osasuna waxay kiraysatay dad si ay barafka u sifeeyaan kahor bilawga ciyaarta iyo waqtiga nasashada

Sikastaba, Zidane ayaa doonaya in kooxdiisa ay guuleysato kulanka si uusan u lumin hogaanka Atletico Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More