Diego Simeone ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay

Diego Simeone ayaa heegan galiyay kooxaha Premier League ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagi karo Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Related Posts

Atletico ayaa la kulantay guuldarro lama filaan ah heerka seddexaad ee Copa del Rey habeenkii Arbacada, Diego Simeone ayaa u sheegay suxufiyiinta guuldarada ka dib inay masiibo ku tahay isaga.

Semione, oo kooxdiisu wajaheyso Chelsea wareega 16-ka Champions League, waxaa sidan oo kale uga reebay Cultural Leonesa sanadkii hore.

Isaga oo ka hadlaya guuldarada ayuu Simeone tilmaamay in uuna ku qanacsanayn tartanka laakiin uu raadinayo xal sanadka dambe taas oo ay saxaafada Ingriiska u fahmeen in uu doonayo in uu ka tago kooxda.

Tartankii ugu dambeeyay nama uusan siin wax aan ku faraxno, laakiin waa in xal loo helo hadii aan halkaan sii joogo sanadka soo socda. ” Sade Simeone, 50 jir.

Qaybta dambe ee qoraalkiisa, ee ah inuu xal heli doono haddii uu sii joogo sannadka dambe, ayaa soo jiitay indhaha kooxaha Premier League ee dhibaatada ku jira.

Arsenal ayaa u baahan tababare xilli Mikel Arteta uu ku guuldareystay soo celinta kooxda isla markaana Manchester United aysan gabi ahaanba ku faraxsanayn khibrada iyo kartida Ole Gunnar Solskjær.

Chelsea ayaa ah kooxda weyn ee la filayo in tababaraheeda uu noqdo kii ugu horeeyey ee shaqada laga eryo, iyadoo Frank Lampard uu cadaadis badan saarey bilihii ugu dambeeyey.

Simone, oo tababare u ahaa Atletico Madrid tan iyo bishii Diseembar 2011, wuxuu ku guuleystay labo koob oo Europa League ah, La Liga, Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More