Diego Maradona Oo Lacag Loo Beddelay – Qof Kasta Ayaa Heli

Halyeygii reer Argentina ee Diego Maradona waxa uu meeqaamka ‘halyeyga’ ka gaadhay waddankiisa markii uu u qaaday Koobkii Adduunka ee 1986kii oo uu u dhaliyey goolashii ugu caansanaa taariikhda oo uu ka mid ahaa goolkii gacanta ee uu xulka qaranka England kaga reebay tartanka wareeggii siddeed-dhamaadka.

Goolkaas oo loogu magac-daray ‘Hand of God’ iyo Goolkii Qarniga ee uu ciyaartoyda oo dhan lasoo dhaafay kubadda ka hor intii aanu shabaqa ku hubsanin, ayaa ah waxa u dheer guusha koobka adduunka ee ay shacabka reer Argentina wali xasuusan yihiin, iyadoo intooda da’yarta ahna ay ka daawadaan telefishannada waddankaas ee aan marnaba ka daalin inay kusoo celceliyaan baahintooda.

Iyadoo ay da’diisu ahayd 60 jir ayuu wadne istaag u dhintay xiddigan hore ee Napoli iyo Barcelona, waxaana geeridiisa kaddib uu magaciisu kasoo muuqan doonaa meelo badan.

Napoli ayaa hore u shaacisay in garoonkeeda ay u bixinayso magaca Maradona, balse Argentina ayaa iyaduna go’aamisay in lacagtooda ay ku sawirto Diego Maradona oo uu kasoo muuqdo isagoo dhawr sawir oo kala duwan ah.

Ol-ole uu hormood u ahaa Norma Durango oo ka tirsan xisbiga Frente de Todos ayaa waxa lagu dalbanayaa in Maradona lagu sawiro lacagta cusub ee Argentina ee sannadka cusub ee 2021-ka la daabici doono, gaar ahaan $1,000 ee isku-yaalla.

“Fikirku waa in la maamuuso Maradona” Ayuu yidhi Durango oo la hadlayay idaacadda Radio La Red.

“Noloshiisa gaarka ah iyo xirfaddiisu may ahayn mid ka madhan qaladaad, taasina waa mid calaamadinaysa heerka halyeeyadii taariikhda Gigiiga oo kale, ugu yaraan inuu ka bato qiimayntii la siiyey Nietzsche-hii The Birth of Tragedy.” Ayuu ku daray.

Si kastaba, qof kasta oo u dhashay waddanka Argentina oo gaadhay heerka isticmaalka lacagta ayaa awoodi doona inay gacantiisa soo gasho lacago uu ku sawiran yahay halyeygooda Diego Maradona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More