“De Bruyne waa khadka dhexe ee ugu fiican adduunka” – Guardiola –

(Manchester) 29 luulyo 2022. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ammaanay xiddiga reer Belgium ee Kevin De Bruyne, wuxuuna u arkaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican booskiisa adduunka.

De Bruyne ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay Man City, wuxuuna gacan weyn ka geystay in kooxdiisa ay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkii hore, oo ay si dirqi ah kaga guuleysteen Liverpool.

Wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu daabacay wareysiga Pep Guardiola, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Laga yaabaa inaan sheego in De Bruyne uu yahay khadka dhexe ee ugu fiican adduunka.”

“Aad ayaan ugu faraxsanahay waa laacibka kaliya ee ku sugan halkan, tan iyo markii aan halkan imid, gaar ahaan isagu sanadkan wuxuu dhaliyay al badan, wuxuuna sidoo kale sameeyay caawin badan.”

“Xilliyada muhiimka ah, gaar ahaan horyaalka Premier League-ga, wuxuu ahaa ciyaaryahan muhim ah, De Bruyne waa ciyaaryahan ka qaan-gaar ah, wuxuuna si fiican u fahmayaa ciyaarta hadda.”

“De Bruyne waxa uu dareensan yahay in uu haatan yahay ciyaaryahan fiican, ma ogolaanayo taas sababtoo ah aad ayuu u xishood badan yahay.”

“De Bruyne ma doonayo in uu iska dhigo wax ka duwan waxa uu yahay, waxaan jeclahay la shaqaynta ciyaartoyda sida De Bruyne, waa ciyaartoy heer sare ah, waxayna u dhaqmaan si qaas ah, waa qof jecel kubadda cagta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More