Da’yarkii Barcelona Ee Ansu Fati Oo Qalliin Kale Lagu Samaynayo LIX

Da’yarka Barcelona ee Ansu Fati ayaa qalliin kale lagu samayn doonaa Khamiista toddobaadkan, lix bilood kaddib markii lagu sameeyey qalliin hore oo aan guuleysanin.

18 jirkan ayaa la filayay in uu kusoo laabto garoomada waqtigan kaddib dhaawac jilibka ka gaadhay oo qalliin loogu sameeyey bishii November ee sannadkii hore, hase yeeshee dhibaatada laacibkan ayaa wali halkeedii taagan, waxaana wali uu dareemayaa xanuun iyo in dhaawacii uu halkiisii taagan yahay.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, ANsu Fati ayaa Khamiista waxa qalliin ku samayn doona dhakhtarka xulka qaranka Portugal oo ugu imanaya Gijon.

Go’aanka qalliinka loogu samaynayo Ansu Fati ayaa yimid kaddib toddobaadyo ay tashi yeelanayeen khubraro takhasus ku ah dhaawacyada noocan ah, waxaana Dr Antonio Moaestro la samaynaya qalliinka Bertrand Sonnery-Cottet oo Lyon saldhiggiisu yahay laakiin waddanka Spain u imanaya qalliinkan.

Labada dhakhtar ayaa waxa kale oo wehelin doona Dr Ramon Cugat oo qalliinkii hore ee guul-darraystay ku sameeyey Ansu Fati, waxaana dhamaan khubaradani ay Khamiiska iska kaashan doonaan sidii ay laacibkan ugu samayn lahaayeen qalliin ay kaga daaweeyaan dhibaatada dhaawac  ee jilibka.

Marka qalliinka lagu sameeyo, Ansu Fati ayaa la sheegay in uu garoomada kasii maqnaan doono muddo toddoba bilood ah, laakiin waa haddii kaliya sida loogu talo-galay uu qalliinkani u guuleysto.

Fati ayaa xilli ciyaareedkan socda, waxa uu bilowgiisii hore soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, isagoo dhaliyey goolal badan, taas oo keentay in looga yeedho xulka qaranka Spain oo uu tababare Luis Enrique ku daray, waxaanu dhigay rikoodh cusub isagoo noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee goolal u dhaliya muddo boqol sannadood ah.

Si kastaba, xilli ciyaareedkiisa ayaa  ku dhamaaday muruqo waxaanu garoomada ka maqan yahay illaa lix bilood oo aanu wali dhaawaciisii daawoobin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More