Darren Bent oo ugu baaqay Arsenal xiddiga ay tahay inay la

(London) 25 Juun 2022. Halyeeyga kooxaha Aston Villa iyo Fulham ee Darren Bent ayaa ugu baaqay Arsenal inay lasoo saxiixato weeraryahanka Chelsea iyo xulka Belgian Romelu Lukaku, halkii ay kala soo saxiixan lahayd xiddiga Manchester City ee Gabriel Jesus.

Inta badan wargeysyada Ingiriiska ayaa tilmaamaya in maamulka kooxda London ay kula heshiiyeen Man City in weeraryahanka Brazil kula soo wareegto qiimo gaaraya 45 million kilos, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Haddaba sida uu daabacay wargeyska “Metro” ee dalka England, Darren Bent ayaa ugu baaqay Arsenal inay lasoo saxiixato Romelu Lukaku, wuxuuna yiri:

“Haddii aan ahaan lahaa Arsenal waxaan qaab amaah ahaan kula saxiixan lahaa Romelu Lukaku.”

“Waxa aan eegayaa Lukaku, waxaan filayaa in uu doonayo in uu aado meel uu ku dareemayo in aad loo jecel yahay, waxa uu ku fiicnaa Inter.”

“Waxa uu dhaliyay al badan waxana uu dareemay jaceylka taageerayaasha Inter.”

Ka dib markii Romelu uu dalbaday inuu ku laabto Inter, oo uu dhimo mushaharkiisa %25, waxay u muuqataa inuusan ka tagi karin Italy.”

Mar wax laga weydiiyay ciyaaryahanka uu doorbidayo inuu la saxiixdo Lukaku iyo Jesus, Bent wuxuu xaqiijiyay:

“Waxaan dooran lahaa Romelu, waxaan u arkayay inuu si joogto ah u dhaliyo al.”

Xiddiga reer Belgiam ayaa la qorsheeyay inuu Nerazzurri ugu biiro, 8 million euros, hal xilli ciyaareed oo amaah ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More