Dani Alves Oo Sidii Neymar U Calaacalay: “Waxa Aanu Nahay Meesha

Difaaca reer Brazil ee Dani Alves ayaa saluug badan ka muujiyey shacabka dalkiisa oo uu sheegay in aanay qiimaynin ciyaartoydooda iyo halyeeyadooda kubadda cagta.

Alves oo 38 jir ah ayaa ka qayb-gelaya tartanka Olombikada Adduunka isagoo u ciyaaraya dalkiisa, laakiin waxa uu muujiyey caloolyow la mid ah kii uu Neymar warbaahinta la wadaagay ka hor finalkii Copa America ee sannadkan ee ay Argentina koobka ka qaadday.

Neymar ayaa waqtigaas sheegay in ay jiraan dad reer Brazil ah oo koobka la doonaya Lionel Messi iyo Argentina, waxaana hadal noocii oo kale ah hadda uu kasoo yeedhay Dani Alves oo isaguna ku dooday in ay waddaniyaddu ku yar tahay dadkiisa.

Dani Alves oo warbaahinta la hadlay isagoo jooga Tokyo, ayaa yidhi: “Nasiib-darro, waddniyad kama jirto waddankayaga. Haddii ay waddaniyadi jirto, halyeeyadyadii waaweynaa iyo taariikhdayadii weynayd ayaa la ixtiraami lahaa.

“Waxay u muuqataa in meesha kaliya ee taariikhda kubadda cagta Brazil aanay macno ka lahayn ay tahay waddankayaga.”

Laacibkan hore ee Sevilla, Barcelona, Juventus iyo PSG, waxa uu dib ugu laabtay waddankiisa oo uu ka ciyaaro horyaalka heerka koowaad, waxaana uu isbarbar-dhigayaa sida ay tahay marka dibedda dalkiisa uu ka ciyaarayay iyo hadda oo uu gudaha joogo.

“Dibedda waddanka, dadku in badan ayay ku ixtiraamayaan maadaama ay og yihiin in kooxdani bogag aan la illoobi karaynin ku qortay taariikhda kubadda cagta, sidoo kale waxay ixtiraamaan kuwa u ciyaaray xulka qaranka, sababtuna waxay og yihiin in kooxdan ay soo mareen ciyaartooyo aan caadi ahayn.” Ayuu ydihi.

Finalkii Copa America, Thiago Silva iyo Marquinhos ayaa iyaguna muujiyey cadho iyo niyad-jab ay ka qaadeen waddaniyad la’aanta reer Brazil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More